Madaxii shirkada Samsung oo la xiray
Jimco, Feberaayo, 17, 2017 (HOL) – Lee
Jae-yong oo ah madaxa shirkadda Samsung ayaa lagu xiray dalka Kuuriyada
Koonfureed isaga oo loo haysto laaluush iyo eedaymo kale.
Arrintan ayaa lala xiriiriyay fadeexaddii horseeday in xilka laga xayuubiyo
Park Geung-hye.
Samsung ayaa lagu eedeeyay in ay deeq siisay mu'sasado aan faa'iido doon
ahayn oo ay maamusho Choi Soon-sil,oo ay saaxiibo yihiin madaxweynihii hore
Park, arrintaas oo ay shirkaddu ku badalanaysay in ay gacan ka hesho dawladda.
Lee iyo shirkadda Samsung Group labaduba way diideen in ay wax gaf ah
gaysteen.
Lee oo si ku meel gaar ah u ah madaxa shirkadda Samsung ayay markii koobaad
dacwad oogeyaashu su'aalo waydiiyeen bishii koobaad balse waxay go'aansadeen in
aysan xirin.
Laakiin todobaadkan horaantiisii ayay mar kale su'aaalo waydiiyeen.
Jimcihii ayay maxkamaddu sheegtay in ay mihiim tahay in la xiro Lee Jae-Yong
ka dib markii dacwaddiisa lagu soo kordhiyay falal dambiyeedyo cusub iyo cadaymo
horleh oo la helay.
Dacwad oogeyaasha ayaa hawshiisa sii baari doona 20 maalmood si ay dacwad
rasmi ah ugu soo oogaan.
Ugu danbeyntii, xiritaankiisu kama dhigna aragtida maxkamadda oo dambiile
ama dambilaawe ah balse waxay ka dhigan tahay in ay dambigan u aragto mid khatar
ah.
Xigasho : BBC
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]