4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 17, 2017
Qarax khasaare sababay oo ka dhacay dulleedka magaalada Beledweyne

 Jimco, Feberaayo, 17, 2017 (HOL) – Inta la og-yahay afar ruux oo ka tirsanaa kooxo maleeshiyaad ah oo barkoontarool u taallay meel dulleedka ka ah magaalada Beledwyene ayaa dhaawac uu ka soo gaaray, kadib markii ay ku qaraxday miino lagu aasay goobta ay ku sugnaayeen.

Dad tagay goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa sheegay in ay arkeen dhaawaca Afar ruux oo lagu sheegay in ay ka tirsanaayeen kooxo maleeshiyaad ah oo halkaa barkootarool u taalay.

Qarax oo ka dhacay halka lagu magacaabo Gabarlaawe ee dulleedka magaalada ayaa siweyn looga maqlay qeybo ka mid ah xaafadaha Beledweyne.

Ma jiro ilaa iyo hada wax war ah oo ka soo baxay laamaha amniga maamulka gobolka Hiiraan oo la xiriira qaraxa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]