4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 17, 2017
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo aan wali heli la taliye dhinaca amniga

 Jicmo, Feberaayo, 17, 2017 (HOL) - Qofkii uu madaxweyne Donald Trump u doortay in uu noqdo kaaliyihiisa ammaanka Qaranka ayaa diiday shaqadaas.

Robert Harward oo ah sarkaal hore oo ciidammada Maraykanka la soo shaqeeyay ayaa si wayn loola xiriiriyay jagadan ka dib markii uu Trump shaqada ka eryay Michael Flynn Isniintii.

Sarkaal aqalka cad u hadlay ayaa sheegay in Harward uu u cudurdaartay arrimo qoys iyo kuwo maaliyadeed, laakiin warbaahinta Maraykanku waxay ku warrantay in uu doonayay in uu kooxdiisa keensado.

Flynn ayaa marin habaabiyay madaxweynaha dalka Maraykanka Mike Pence markii uu la waadaagay macluumaadka ku saabsan wadahadalkii uu la yeeshay safiirka Ruushka ee dalka Maraykanka.

Ugu danbeyntii, caqabadaha ayaa soo baxaysa saacado uun ka dib markii Trump uu diiday wararka ay tabiyeen warbaahinta ee ku aadan in jahwareer uu ka taagan yahay Aqalka Cad, wuxuuna ku adkaystay in maamulkiisu uu si wanaagsan hawsha u kala wado.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]