4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 17, 2017
Warbixin : digniin culus oo laga soo saaray xaalada abaarta Soomaaliya

Jimco, Feberaayo, 17, 2017 (HOL) –War saxaafadeed ka soo baxay xafiisyada hay’adaha Qaramada Midoobay ee cunada WFP iyo carruurta UNICEF,  ayaa lagu sheegay in gargaar bani’aadannimo oo baaxad leh keliya lagu baajin karo in Soomaaliya ay mar kale gasho xaalad masiibo bani’aadannimo ah.

Hay’addahan ayaa sheegay in abaartan oo aafeysay sanadkii la soo dhaafay gobollada Waqooyi ay hadda ku fiday Soomaaliya inteeda kale, taasoo sida ay hadalka u dhigeen halis ku ah dad sanado badan ay soo daashadeed colaado.

Warbixinta ayaa sheegay in kala bar marka la eego dadka ku dhaqan Soomaaliya ay xiligan wajahayaan badbaado la’aan cunto iyo  baahi dhinaca hab nolaleedkooda la xiriirta.

Hay’addahan ayaa sheegay in 944, 000 oo caruur Soomaaliyeed ah ay hadda wajahayaan xaalad nafaqa darro, iyadoo dhinaca kalana 185,000 caruurtan ka mid ah ay la dhibaateysan yihiin xaalad nafaq darro ah, islamarkaana la filayo in 50% ay korarto bilaha na soo aadan haddii aan sida ugu dhaqsiyaha badan wax looga qaban.

Wakiilo ka kala socda labada hay’adood ee WFP iyo UNICEF ayaa booqanaya deegaannada ay sida daran abaarta u saameysay ee Puntland si loo gaarsiiyo gargaarka sida weyn loogu baahan yahay.

Wakiilka hay’adda UNICEF ee Soomaaliya Steven Lauwerier ayaa sheegay in dad badan oo Soomaali ah ay dhaafeen kheyraadkoodii ay wax kasta oo lahaayeen, gaar ahaan marka la eego xoolihii ay dhaqanayeen, iyaga oo ku nool ayuu yiri wax aan dhaafsiisneyn Gacanta-iyo- Afka [hand-to-mouth.]

 Waxaa uu intaa daray wakiilka in ilaa iyo hadda fursada la heysto tahay mid aad u yar si loo badbaadiyo dhibaatada ka dhalatay abaarta ee la soo daristay dadka, gaar ahaan caruurta la il daran nafaqa darada.

‘’Waxaa naga go’an aan la shaqeyno qeybaha aan howsha wadaagno si aan u guuleysano ayuu yiri’’ Steven Lauwiriet.

Abaarta ayaa la sheegay in ay dadka ka xaalufisay dhamaanba daligii beeraha sidoo kalana ka dishay xoolihii ay dhaqanayeen, waxaana cirka isku shareeray sicirka ama qiimaha la siisto cunada iyo biyaha, taasoo keentay in kumanaan dad ah baadi goobi ugu jiraan wax ay cunaan.

Ugu danbeyntii, digniintan ayaa lagu sheegay in abaartu ay kordhisay cudurada ka dhashay biyaha sida cudurka shuban biyoodka oo sanadkan oo kaliya ay qaadeen ama uu ku dhacay dad gaaraya 4000 oo qof.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]