4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 18, 2017
Ciidamada Sirdoonka Mareykanka oo baaraya wax lagu soo tuuray gaariga Trump

Sabti, Febraayo 18, 2017 [HOL]-Ciidamada Sirdoonka Mareykanka ayaa baaraya wax lagu soo tuuray gaariga madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Shay ayaa lagu soo ganay kolonyo gawaari ah oo Trump uu midkood saarnaa asgoo ku sii jeeday meel loo dalxiis tago oo kutaala Florida Mareykanka.

Shalay Jimcihii ayaa dhacdadaasi dhacday mar gawaarida Trump ay ku sii jeedeen goobta loo tamashlaha tago ee galbeedka Palm Beach. Halkaa ayaa la sheegay in Trump uu ku leeyahay guri.

"Ciidamada sirdoonka ayaa xaqiijin kara in wax lagu soo tuuray kolonyada galabta." Sidaa ayaa ciidamadaa sargaal ka tirsani uu bayaan ku sheegay shalay galab.

Wuxuu intaa sargaalkaasi ku daray in baaritaan uu socdo arinkaa la xiriira wax hada la taaban karana wali uusan ka soo bixin.

In kastoo Palm Beach aad looga soo dhaweeyay Trump shalay ayadoo taageereyaashiisu ay boorar ay ammaan ay ku ammaanayeen ay ku dhigan tahay la taagnaayeen hareeraha wadada hadana shalay waxaa qeybo kale oo Mareykanka ah ka socday mudaaharaadyo looga soo horjeedo Trump iyo mowqifyadiisa dhanka hoggaanka ah.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]