4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 18, 2017
Xarakada Al-shabaab oo fulisay xukun gacan goyn ah

Sabti,  Feberaayo, 18, 2017 (HOL) --Al Shabaab ayaa xukun gacan goyn ah waxa ay ku fuliyeen wiil dhalinyaro ah magaalada Galhareeri ee Gobolka Galgaduud, kadib markii maxkamada Shabaab ee Gobolka ay xukuntay in wiilkaasi gacanta laga gooyo.

Wiilkaan dhalinyarada ah ayaa la soo taagay meel fagaare ah oo dadka la isugu yeeray shalay gelinkii dambe si ay u daawadaan qaabka uu u dhacaayo xukunka gacan goynta ah ee lagu fuliyay wiilkaasi.

Qaadiga maxkamada Al-shabaab ayaa sheegay Maxamed Cilmi Jaamac oo 27-sano jir ah in lagu helay fal xatooyo ah, kadib markii uu qirtay sida uu sheegay qaadiga in Wiilkaasi uu lacag ka xaday goob ganacsi.

Intaasi kadib ayaa rag u diyaarsanaa in ay gacanta wiilkaasi gooyaan, waxaa ay ku boobeen mindi, waxayna ka jareen gacanta qaybta hore, taasi oo argagax ku abuurtay dadkii daawanaayay ee fagaaraha ku sugnaa.

Ugudanbeyntii, xukunada noocaan oo kale ah ayeey Al-shabaab ka fuliyaan gssobolada dalka Somaliya, gaar ahaan Magaalooyinka ay joogaan iyaga oo sheegaya qofka falka lagu fulinaayo inuu sameeyay qiraal.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]