4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 18, 2017
QM: Dhowr bilood ayaa loo heystaa in musiibo ka dhalata abaarta la weeciyo

 

Sabti, Febraayo18, 2017 [HOL]-QM ayaa sheegtay in  labo bilood oo qura loo heysto in musiibo ka dhalata abaarta la weeciyo gudaha dalka Soomaaliya.

Waqtigaa ayaa la dardar galin karaa cawimaada dagdagga ah ee loogu tala galay dad malaayiin ah oo raashin u baahan gudaha dalka Soomaaliya sida QM ay sheegeyso.

Abaarta ayaa faro kulul ku heysa dad gaaraya 6.2 malyan oo qof. Abaarta ayaa gobolada ugu daran ay yihiin kuwa waqooyi balse waxay kusoo faafeysaa dhanka koofureed ee dalka sida laga soo xigtay QM.

Asbuucii la soo dhaafay, wakiilo ka socday WFP iyo UNICEF ayaa booqday meelaha abaartu aadka u saamaysay ee waqooyiga Puntland.

Waxaa la xasuustaa in abaartii sanadihii 2011 iyo 2012 ay ku dhinteen dad gaaraya 250 kun oo carruur u badnaa dalka Soomaaliya.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]