3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 18, 2017
Madaxweynaha dalka Gambia oo manta lagu caleemo saarayo magaalada Banjul

Sabti,  Feberaayo, 18, 2017 (HOL) - Madaxweynaha cusub ee Gambia, Adama Barrow, ayaa si rasmi ah loogu caleemo saari doonaa caasimadda Banjul, halkaas oo ay ka dhici doonaan dabaal degyada lagu xusayo 52 guuradii madaxbannaanida dalka.

Barrow waxa bishii hore lagu dhaariyey safaaradda Gambia ku leedahay dalka ay olloga yihiin ee Senegal ka dib markii ninkii mudada dheer dalka ka talinayey diiday inuu xilka iskaga dego markii doorashada lagaga adkaaday.

Gambia waxay madaxbannaanidiisu 52 jirsanaysaa manta laakiin Adama Barrow wuxu noqonayaa madaxweynihii saddexaad ee mudaa dalku yeesho.

Wuxu ballan qaaday inuu waa cusub u bariin doono dalkan mudada dheer uu gacanta bira ku hayey Yahye Jammeh.

Jammeh waxa lagaga adkaaday doorashadii dhacday bishii Diisember, laakiin xilka wuu isku sii dhejiyey ilaa xoogag ka tirsan ciidamo goboleedka Galbeedka Afrika ay ku dirqiyeen inuu xilka ka dego.

Gambia waxay haatan ku biiri doontaa ururada caalamiga ah ee ay ka midka yihiin Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah iyo Ururka Barwaaqo Sooranka.

Ugu danbeyntii, kumanaan qof ayaa la filayaa in ay ka qayb galaan xafladda caleemo saarka oo ka dhicci doonta garoonka weyne ee kubbada cagta ee ku yaal caasimadda.

 C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]

 

- See more at: /news/2017/feb/wararka_maanta18-139852.htm#sthash.nmbO1tF1.dpuf












Click here
2/18/2017 12:15 PM EST
Sabti, Febraayo ,18, 2017 (HOL)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa maanta digreeto ku soo saaray in Bisha February 20-keedda loo aqoonsado maalintiii dhalinyaradda Somaliland.

2/18/2017 12:03 PM EST
Sabti, Feberaayo, 18, 2017 (HOL) – Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada London ayaa si wada jir ah Jimcihii xalay ahaa u qabtay munaasabad balaaran oo isugu jirtay soo dhaweyn iyo duco loo sameynayay madaxweynaha cusub ee dalka Md. Maxamed C/laahi Farmaajo kaasi oo dhawaan helay aqlabiyadda codadka labada gole ee dalka.

2/18/2017 11:10 AM EST
Sabti, Feberaayo, 18, 2017 (HOL) – Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya oo maalin uun ka hor xafiiska la wareegay ayaa kulan la qaatay safiirada wadamada qeybta ka ah howlgalka midowga Africa AMISOM oo ay ka wada hadleen arimo ay ka mid ahaayeen dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab iyo dib u dhiska ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

2/18/2017 10:21 AM EST
Sabti, Feberaayo, 18, 2017 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadihii aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee dowladda Britain u soo magacaawdey Soomaaliya.

2/18/2017 5:52 AM EST
Sabti, Feberaayo, 18, 2017 (HOL) –Xeer ilaaliyaha guud ee Puntland Maxamud Xasan Aw- Cismaan ayaa sheegay in Puntland lagu kufsaday 123 gabdhood , isaga oo sheegay in tiradaas ay tahay inta dowlad-da ay diiwaan-galisay ilaa iyo hadda.

2/18/2017 5:21 AM EST
Sabti, Feberaayo, 18, 2017 (HOL) – Waxaa goor dhaw oo maanta ah lagu dilay degmada Hodan ee magaalada Muqdisho afhayeenkii hore ee maamulkii Ximin iyo Xeeb Maxamed Cumar Hagafeey.

2/18/2017 4:20 AM EST
Sabti, Feberaayo, 18, 2017 (HOL) – Rag hubeysan oo gaari watay ayaa goor dhaw ku weeraray is-goyska Ceelgaabta ee magaalada Muqdisho sarkaal ka tirsanaa hay’adda nabad-sugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya oo lagu magacaabo Jen Xassan Dheere.

2/18/2017 2:58 AM EST
Sabti, Febraayo18, 2017 [HOL]-QM ayaa sheegtay in labo bilood oo qura loo heysto in musiibo ka dhalata abaarta la weeciyo gudaha dalka Soomaaliya.

2/18/2017 2:55 AM EST
Sabti, Feberaayo, 18, 2017 (HOL) --Al Shabaab ayaa xukun gacan goyn ah waxa ay ku fuliyeen Wiil dhalinyaro ah Magaalada Galhareeri ee Gobolka Galgaduud, kadib markii maxkamada Shabaab ee Gobolka ay xukuntay in wiilkaasi gacanta laga gooyo.

2/18/2017 2:37 AM EST
Sabti, Febraayo 18, 2017 [HOL]-Ciidamada Sirdoonka Mareykanka ayaa baaraya wax lagu soo tuuray gaariga madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

2/18/2017 2:04 AM EST
Sabti, Febraayo 18, 2017 [HOL]-Xaflad lagu taageerayo dawlada cusub ee Soomaaliya ee uu madaxweynaha ka yahay Maxamed C/Laahi Farmaajo ayaa la filayaa in ay ka dhacdo Nairobi dhawaan.