4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 18, 2017
Sarkaal ka tirsan nabad-sugida Qaranka oo lagu weeraray magaalada Muqdisho

Sabti,  Feberaayo, 18, 2017 (HOL) – Rag hubeysan oo gaari watay ayaa goor dhaw ku weeraray is-goyska Ceelgaabta ee magaalada Muqdisho sarkaal ka tirsanaa hay’adda nabad-sugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya oo lagu magacaabo Jen Xassan Dheere.

Weerarka ay geysteen kooxda hubeysan ayaa waxaa ku dhintay mid ka mid ah ilaaladii la soctay sarkaalka, halka sidoo kale ay ku dhaawacmeen Jen Xassan Dheere iyo darwalkii ku waday gaariga.

Kooxdii Weerarka geysatay ayaa goobta ka baxsatay,waxaana isla goobta gaaray ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo baaritaano ka fuliyay halkaasi.

Dhinaca kale, koox hubeysan oo watay gaari Baraado ah ayaa agagaarka isbitaalka Digfeer ee Muqdisho ku weeraray dad watay Gaari nuuca raaxada ah,waxaana halkaas ku dhintay darawalkii gaariga weerarka lagu qaaday.

Ugu danbeyntii, ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca laamaha amniga oo la xiriira weeraradan is xig xigay ee ka dhacay magaalada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]