4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 18, 2017
Afhayeenkii hore ee maamulkii Ximin iyo Xeeb oo Muqdisho lagu dilay

Sabti,  Feberaayo, 18, 2017 (HOL) – Waxaa goor dhaw oo maanta ah lagu dilay degmada Hodan ee magaalada Muqdisho afhayeenkii hore ee maamulkii Ximin iyo Xeeb Maxamed Cumar Hagafeey.

Warar dheeraad ah oo ka soo baxay dilka afhayeenkii hore ayaa sheegaya in toogteen rag ku hubeysnaa dareyska ciidamada dowladda federaalka oo markiiba goobta ka tagay.

Afhayeenka maamulka Galmudug C/llaahi Xaashi Roobda’ay  oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa xaqiijiyay dilka afhayeenkii hore ee maamulkii Ximin iyo Xeeb.

Ugu danbeyntii, dilkan ayaa imanaya xili isla maanta magaalada lagu weeraray sarkaal ka tirsanaa hay’adda nabad-sugida Qaranka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]