4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 18, 2017
Xeer-ilaaliyaha Guud ee Puntland : 123 Kufsi ayaa ka dhacay Puntland sanadkii la soo dhaafay

/images/2017/Feb/

Sabti, Feberaayo, 18, 2017 (HOL) –Xeer ilaaliyaha guud ee Puntland Maxamud Xasan Aw- Cismaan ayaa sheegay in Puntland lagu kufsaday 123 gabdhood , isaga oo sheegay in tiradaas ay tahay inta dowlad-da ay diiwaan-galisay ilaa iyo hadda.

“Sanadkii hore 123 kufsi ayaa ka dhacay Puntland, gobolka Bari ayaa kiisaska ugu badan ay ka dhaceen oo 58 qof ayaa lagu kufsaday, halka gobolka Karkaar lagu kufsaday 26 qof,Mudug waxaa ka dhacay 13 kiis, Sanaag 4 kiis oo kufsi, goboladda Sanaag iyo Hayland waxaa ka dhacay 13 kiis oo kufsi, degmada Buuhoodle ee gobolka cayn waxaa ka dhacay labo kiis” ayuu yiri xeer ilaaliyaha oo shir jaraa’id ku qabtay Garowe.

Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in tiro ka badan 100 qof ay u xiran-yihiin arimo la xiriira kufsi iyo tacad-diyo kala duwan oo dumar kala duwan lagula kacay ,waxaana uu sheegay in intooda badan ay yihiin xukun sugayaal.

Maxamud Xasan Aw- Cismaan ayaa sheegay in xeerarka cadaalad-da Puntland uu sharciga ku fulinayo cid kasta oo lagu soo eedeeyo kufsi,isaga oo sheegay in danbiyada kufsiga ay yihiin kuwa aad u soo badanayay sanadihii la soo dhaafay.

Ugu danbayn , dhawaan ayey ahayd markii maxkamad ku taala magaalada Goldogob ay  xukuno kala duwan ku fulisay dhalinyaro kufsi wadaareed  ka gaystay duleedka magaaladaas , waxaana xukunadaas ay isugu jireen xabsi , ganaax lacageed iyo waliba jeedal lagu fuliyay dhalinyaradii danbiga lagu helay. 

Faysal M. Hassan
[email protected]