Munaasabad lagu taageerayay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya oo lagu qabtay London
Sabti, Feberaayo, 18, 2017 (HOL) – Jaaliyadda
Soomaaliyeed ee ku nool magaalada London ayaa si wada jir ah
Jimcihii xalay ahaa u qabtay munaasabad balaaran oo isugu jirtay soo
dhaweyn iyo duco loo sameynayay madaxweynaha cusub ee dalka Md. Maxamed C/laahi
Farmaajo kaasi oo dhawaan helay aqlabiyadda codadka labada gole ee dalka.
Munaasabada oo ay qaban qaabadeedu socotay muddo kooban
ayaa lagu muujinayay taageerada Jaaliyadda reer London ay u hayaan
madaxweynaha cusub waana marki ugu horeysay ee ay si wada jir ah
jaaliyaddu u qabato xaflad heerkan oo kale ah.
Dadka ka soo qeyb galay oo isugu jiray masuuliyiin
dowladda katirsan iyo dadweyne kale ayaa dhammaantood muujinayay dareen ah in
isbadalka dalka ka dhacay loo baahanyahay in la taageero oo si wanaagsan
loo barbar istaago.
Raysil wasaarihi hore Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo
madasha ka hadlay ayaa ugu baaqay dadweynaha in ay dowladda taageeraan si ay
ugu guuleysato howlaha qaran ee laga doonayo in ay dadka iyo dalka u qabato.
Wasiirka caafimadka Xaawo Xasan Maxamed oo iyaga goobta
ka hadashay ayaa ku dhiirigelisay dadweynaha in ay la shaqeeyaan dowladda si
wax looga qabto baahiyaha dhanka bulshada ee ka jira guud ahaan dalka.
Xildhibaan Cabdi Shire Jaamac (Ciyaar Jecel) ayaa ka
hadlay isbadalka dalka ka dhacay oo ay hormuud ka ahaayeen xildhibaanada labada
gole oo ka jawaabayay rabitaanka shacabka, waxaana uu ku amaanay isbadalka ay
horseedeen.
Aqoonyahano, Abwaano iyo indheer garad kale ayaa iyagana
hadalo qaayo leh iyo dardaaran goobta ka jeediyay waxaana kamid ahaa Dr. Yusuf
Sh Cumar ayaa sheegay in doorashadi madaxweyne Farmaajo aysan ahayn mid ay
doorteen xildhibaanada oo kaliya, balse la dhihi karo waxay ahayd
doorasho guud oo dadka oo dhan ay codkooda siiyeen.
Inkasta oo qaban qaabiyaashu sheegeen in munaasabadani ay
ahayd mid jaaliyadda oo dhan ay ka qeyb qaateen haddana waxaa jira warar
sheegaya in qaban qaabada xaflado kale oo noocan ah ay ka socodaan magaalada
London.
Ayaanle Xuseen
Cabdi
London, UK