4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 19, 2017
Doorasho la filayay in ay manta ka dhacdo Galmudug oo dib u dhac ku yimid

Axad, Feberaayo, 19, 2017 (HOL) – Iyadoo lagu waday maanta oo 19ka Bisha February in ay ka dhacdo magaaalada Cadaado doorashada xilka madaxweynaha maamulka, ayaa wararka halkaa ka imanaya waxaa ay sheegayaan in uu dib u dhac ku yimid.

Gudiga qabanqaabada doorashada madaxweynaha oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in sababo farsamo dib ugu dhacday doorashada.

Waxaa ay beeniyeen gudiga warar sheegaya in doorashada gabi ahaanba meesha laga saaray, hasse ahaatee waxaa ay shegeen in wali qorshuhu sidiisii yahay, balse ma aysan sheegin waqtiga kama danbeysta ah ee loo balansan yahay in ay dhacdo.

Ugu danbeyntii, Xildhibaannadii horay u shegay in ay xilka ka qaadeen madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Xusseen Gulleed ayaa dhowr jeer oo hore sheegay in ay dooranayaan madaxweyne cusub, inkastoo arintaa khilaaf siyaasadeed oo xoog leh ka dhax abuurtay hay’addaha maamulka Galmudug.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]