4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 19, 2017
Donald Trump oo difaacay siyaasadiisa la xiriirta socdaalka

Axad, Feberaayo, 19, 2017 (HOL) – Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa difaacay guulaha ilaa iyo hadda uu gaaray maamulkiisa, asagoo xalay taageerayaashiisa kula hadlay gobolka Florida.

Waxa uu dadkaasi isu soo baxay u sheegay in dareen rajo wanaag ah uu ka dhashay Maraykanka, waxaana uu carabka ku adkeeyay in uu fulinayo ballanqaadyadiisa ku aaddan dhaqaalaha iyo ammaanka.

Mr Trump ayaa marka kale si kulul u dhaliilay warbaahinta, asagoo ku eedeeyay in ay faafineyso warar been ah oo ay dan gaar ah ka leedahay.

Mar uu difaacayay amarkii uu Maraykanka kaga mamnuucayay dadka ka yimaada 7 dal oo Muslim ah, ayaa waxa uu yiri "Dalkeena uma rabno dad fekera xun wata."

Mr Trump ayaa intaa raaciyay in uu u tegay Florida si uu waqti ula qaato asxaabtiisa iyo dadkiisa.

Xigasho : BBC

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]