4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 19, 2017
Nabadsugida Galmudug iyo ciidamo Mareykanka ah oo saldhig ka sameysanaya gobolka Mudug

Axad, Feberaayo, 19, 2017 (HOL) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug, ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan nabad-sugida maamulka Galmudug iyo ciidamo Mareynkan ah saldhig ka sameynayaan qeybo ka mid ah gobolka Mudug.

Saadiq Cumar Xassan oo ah taliyaha ciidamada nabad-sugida Galmudug  oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in howlgalada ay fulinayaan ciidamada wada jirka uu yahay sidii loola dagaalami lahaa Al-Shabaab iyo kooxaha burcad badeedka.

Waxaa uu sheegay Mareykanka iyo dowladda Soomaaliya ay gacan ka geysanayaan sidii xero ciidan looga hirgelin lahaa xeebaha Mudug, gaar ahaan degmada Hobyo.

“Hada waxaa joognaa degmada Hobyo, waxaa rabnaa inaan xarun milateri ka sameysano, maadaama Ciidamada Galmudug ay ka dheer yihiin deegaanada xeebaha Mudyg, qeyb ka mid ah ay heystana Al-Shabaab”ayuu yiri Saadaq Cumar Xasan.

Mar uu ka hadlayay howl galada ay kula wehliyaan Ciidamada Puntland ayuu sheegay inay magaca ka dhaxeeya uu yahay hal ciidan, isla markaana aanay cadaw isku aheyn sida uu yiri.

Dadka deegaanka Gobolka Mudug ayaa sheegay in ciidamo Mareykan ah oo wata gawaarida gaashaaman, ciidamada nabadsugida Galmudug iyo ciidanka Puntland ayaa maalmo ka hor weerar ku qaaday deegaano ka tirsan Koofurta Mudug, iyagoo dagaal kooban la galay Al-Shbaaab.

Ugu danbeynti, ciidamadan huwanta ahaa ayaa ujeedkooda ahaa inay la wareegaan degamda Xarardheere oo ay gacanta ku hayaan Al-Shababa, hase ahaatee ay dib uga soo laabteen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]