4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 19, 2017
Al-shabaab: Farmaajo waa ka daranyahay kuwii hore, waana la dagaaleeynaa

Axad, Feberaayo, 19, 2017 (HOL) – Xarakada Al-shabaab ayaa markii ugu horeeysay shaacisay mowqifkooda ku aadan madaxweeynaha cusub ee dalka, ayagoo sheegay in hogaanka cusub ee uu dalku yeeshay uusan waxba kaga duwanayn madaxdii hore.

Gudoomiyaha Al-shabaab ee gobolka Galgaduud Sheekh Xasan Yacquub Cali oo la hadlay warbaahinta afkooda ku hadasha ayaa sheegay in Madaxweeyne Max'ed C/laahi Farmaajo ay la dagaalami doonaan si lamid ah sidii ay ula dagaalameen madaxdii ka horeeysay, isagoo intaa ku daray in Madaxweeynaha cusub uu uga daranyahay kuwii hore.

"Gaaladan Xamar wax kasoo dooraneeysa, madaxweeynaa la doortay la leeyahay, dadkaa taageeray, waxaa yimid nin wadani ah, nin gaalada neceb, nin Soomaali mideeynaya, waxaan idin leeyahay walaalayaal yaan lagu kaadsoomin dabinta gaalada," ayuu Sheekh Xasan Yacquub yiri isagoo intaa ku daray in ay sii laba jibaari doonaan dagaallada ay uga soo horjeedeen dowladda.

Xasan Yacquub ayaa sheegay in Farmaajo uga shar badanyahay kuwii hore, isagoo yiri "Farmaajo 7-bilood ayuu nala joogay, dhibka uu muslimiinta u geeystay waad garaneeysaan." Waxa uu sheegay in cid walba oo la shaqeeysa Farmaajo ay la dagaali doonaan, isagoo xusay in Madaxweeynaha iyo dadka la shaqeeyaba ay ka aaminsanyihiin gaalo.

Ururrada Al-shabaab iyo Daacish ee ka dagaalama Soomaaliya ayaa siweyn uga soo horjeeda nidaamka dowliga ah ee ka jira dalka, ayagoo ku tilmaama in uu yahay nidaam ay garwadeen ka yihiin dalal shisheeye.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.