4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 19, 2017
Ra'iisalwasaare noocee ah ayaa laga filayaa madaxweyne Farmaajo? “Wareysi Hiiraan Online”

 

Axad, Feberaayo, 19, 2017 (HOL) –Dadka Soomaalidda waxaa ay isha ku hayaan qofka uu madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu u xulan doono in uu noqdo Ra'iisalwasaaraha Soomaaliya.

Falanqeyayaasha siyaasadda Soomaaliya ayaa sadaalino kala duwan ka bixinaya qofka loo magacaabi karo wasiirka koowaad ee dowladda Farmaajo, balse waxaa go’aanka iyo doorashada ay ugooni tahay madaxweynaha.

Hiraan Online ayaa si kooban wax uga weydiisay madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo “ Qofka laga filayo in uu u doorto Ra'iisalwasaare?

Madaxweynaha ayaa ku jawaabay, “ Qofka aan u dooranayo in uu noqdo Ra'iisalwasaaraha dowladda, waxaa uu noqonayaa, shaqsi taariiqdiisa ay ka fogtahay qabyaalad, waligiisana aan lagu sheegin musuqmaasuq, calaaladana ka shaqeeya si loo samatabixiyo dadka Soomaaliyeed."

Sidoo kale madaxweynaha oo kasii hadlayay cadaaladda ayaa sheegay “Cadaaladda in ay muhiim u tahay wax walba”.

Filashooyinka dadka ay ka qaban dowladda Farmaajo, in wax wanaasan sameyn karto ayaa lagu saadaalinayaa in ay tahay mid aad u sareysa, isagoona shegay in uu aad uga warqabo saadaalinta wanaagsan ee loo muujinayo dowladdiisa.

Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa waxaa uu wadaa kulamada uu la qaadanayo Ururadda Bulshada rayidka, siyaasiyiinya iyo aqoonyahanada Somaalidda.

Farmaajo oo horay u soo noqday Ra'iisalwasaare ayaa ku guulaystay madaxtinimada dalka Soomaaliya 8-dii bishan February kadib doorashadii ka dhacay gudaha magaaladda Muqdishu.

Hadii aan si kooban u eegno, qaabdkii codadka loo kala helay wareegga labaad ee doorashadda.

Maxamed Cabdullaahi Maxamed "Farmaajo" - 184

Xasan Sheekh Maxamuud - 97

Shariif Sheekh Axmed - 46

Arrintaas ayaa xaqiijisay in Farmaajo iyo Xasan ay u gudbaan wareeg saddexaad.

Laakiin Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa go'aansaday in ninkii roonaaday wareegga labaad uu reerka u haro, waxaana sidaasi madaxweyne ku noqday Farmaajo oo isla goobtaasi ayaa lagu dhaariyay.

Hassan Istiila

[email protected]