4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 19, 2017
Diyaarad laga leeyahay Kuwait oo siday Raashin loogu tallogalay dadka abaaraha ku dhufteen oo timdi garoonka Berbera


Axad, Febraayo ,19 , 2017 (HOL) – Diyaarad Militari oo laga leeyahay wadanka Kuweyd, ayaa madaarka magaaladda Berbera keentay caawimo loogu tallogalay dadka abaaruhu saameeyeen ee Somaliland.

Diyaaradan Militari ayaa siday 150 qoys raashinkooddii, waxana markiiba loo daad gureeyey goboladdii abaaruhu ka dhaceen.

Raashinkan oo iskugu jiray qaybo kala duwan, waxaana qaybtii ugu horeysay ee caawimadda, iyagoo sheegay inay Deeqo kale oo raashin ah soo socdaan sida warbaahinta u sheegeen maamulka gobolka Saaxil.

Diyaaradan ayaa ah  kuwo militariga ee ciidamada cirka wadanka Kuweyd, waxaanay qaybtii ugu horeysay ee ay kaga qaybqaadanayso caawinta dadka abaaruhu saameeyeen ee Somaliland.

Munaasibaddii raashinka lagu kala wareegayey ayaa ka dhacday madaarka caalamiga ahee Berbera, waxaana halkaasi ka hadlay masuuliyiinta gobolka Saaxil, wasiirka Biyaha, gudoomiyaha xisbiga UCID iyo masuuliyiin carabah oo la socday diyaaradda.

 “waxaan leeyahay waan ka gudoonay sheikh Sabaax Kuwayd oo deeqdan soo gaadhsiiyey Somaliland, waxaana leeyahay dalalka kalana ha ku daydaan oo dadka abaaruhu ku dhaceen ha la soo gaadhaan caawimooyin”ayuu yidhi gudoomiyaha gobolka Saaxil.

Wasiirka Biyaha iyo khayraadka Somaliland Xuseen Cabdi Boos oo isna mucaawimadan ka hadlaya waxa uu yidhi “ dawladda Kuwayd ee iska sooo xil qaantay Raashinkan la soo gaadhsiinayey dadkii abaaruhu ku soo dhufteen waan u mahad celinayaa, amiirka Sheekh Saalax ee caawimadda qaybtii kowaad soo gaadhsiiyey iyo kuwo soo socda ee uu soo wadaba waan uga mahad celinaynaa, wadankana waxa ka jira abaar baahsan oo boqolkiiba sagaashan ay dhinteenba”.

Sidoo kale, gudoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa isna u mahadnaqay dawladda Kuwayd oo uu sheegay inay uga mahad naqayaan gargaarka degdeg ah ee ay soo gaadhsiiyeen dadka abaaruhu ku dhufteen.

Waxa iyaguna halkaasi ka hadlay masuuliyiin kale iyo masuuliyiin ka socday Kuwayd, waxaanay sheegeen in Diyaaradan Militari ee caawimadan siday caawimooyin kale soo wadaan.

Raashin ayaa noqonaysa tii ugu horeysay ee intii abaaruhu dhaceen wadanka Kuwayd soo gaadhsiiso.

 Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland