4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 19, 2017
Taliyaha Ciidanka Boliiska oo maanta tababar u furay saraakiil ka tirsan ciidanka Booliska Soomaliya

 

Axad, Feberaayo, 19, 2017 (HOL) –Taliyaha booliiska Soomaaliya Jeneraal Maxamed Sh. Xasan Xaamud, ayaa manta tababar magaaladda muqdisho uga furay saraakiil xigeeno gaaraya 80,  kuwaasoo sanadihii la soo u dallacay Darajada Sarkaal ee Xiddigle.

Saraakiisha loogu talagal tababarka, ayaa waxaa loo diyaarin doona, gudashada waajibaadka saraakiisha looga baahnayahay, sidoo kale waxaa ay baran donaan qaabka hoggaaminta, barashada shuruucda dalka, xirfadda baarista dembiyada iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha.

Munaasabada furitaanka tababarka waxaa ku sugnaa, Taliye Xigeenka 2aad S/Guuto Bashïìr Cabdi Maxamed, Taliyaha Hoggaanka Tababarka iyo Qoorshaha, Madaxa Guddiga dib u habeynta iyo tayeynta saraakiisha S/Guuto Axmed Dayib Dhegacaleen iyo Taliyaha Akaadeemiyada Jen. Kaahiye G/Sare. Cabdikariim Xuseen.

Ciidanka Booliska Soomaaliya, ayaa dhawaanahan waxaa ay qaadanayeen casharo ku saabsan shaqada ay hayaan, waxaana ciidamadaasi hadda inta badan ay ka shaqeeyaan magaaladda Muqdishu, in kastoo ay goboladda qaar ay joogaan.


Hassan Istiila

[email protected]