4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 19, 2017
Shirkadda Supersign oo deeq daawooyin ah gaarsiisay degmadda Balcad

 

Axad, Feberaayo, 19, 2017 (HOL) Boqolaal Soomaali ah ayaa u baahan gar-gaar caafimaad iyadoo wali ay abaaro ragaadinayaan deegaano badan oo ka tirsan dalka, gaar ahaan deegaanadda Bartamaha iyo Koonfurta Somaaliya, sida QM ay sheegtay. 

Todobaadkaan, Shirkadda Daabacaadda iyo Xayeysiimaha Supersign waxa ay gar-gaar daawooyin ah gaar siisay degmadda Balcad ee Gobolka Sh. Dhexe, halkaasoo ay ku dhaqanyihiin qoysas badan oo u baahan gar-gaar caafimaad.

Daawooyinka waxa ay isugu jireen kuwa lagula tacaalo shubanka, coloraha, gooryaanka, ORS, xanuun baabiyeyaal iyo kuwo ka hortag leh, sida uu sheegay, Axmed Muse Gure Maamulaha Guud ee daabacaadda iyo xayeysiimaha Supersign.

Munaasabada daawooyinka lagu soo bandhigay ayaa waxaa ku sugnaa, Gudoomiye Ku-xigeenka Degmada Balcad ee amniga & Siyaasada C/lahi Maxamed Xasan Tiitow ahna gudoomiyaha gudiga lasocodka dhibaatooyinka degmada Balcad.

Mudane, Cabdullaahi ayaa sheegay in gar-gaarka daawooyinka ay heleen xiligii loo baahnaa, waxaana uu uga mahadceliyay Supersign, deeqda daawooyinka ah isagoo sheegay iney baahi u qabeen loona baahanyahay xiligaan.

Maxamed Cabdi Xasan oo kamid ah Mas'uuliyiinta Shirkada daabacaadda iyo xayeysiimha supersign, oo dhankiisa munaasabada goob-joog ka ahaa ayaa balan qaadan in ay sii wadayaan caawinta dadka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, Axmed Muse Gure Maamulaha Guud ee daabacaadda iyo xayeysiimaha Supersign, waxaa uu sheegay in deegaanadda dalka oo dhan sida ugu dhaqsiyaha badan ay u gaari doonaan, si looga maarmo deeqaha ka yimaada dibadaha ee waqtiga dheer la sugayo.

Degmadda Balcad ee Gobolka Sh. Dhexe, dhawaan waxaa ka dilaacay cudurka Shuban biyoodka, kadib markii wabiga uu biya yareeyay, iyadoo ay ugu wacantahay abaaraha ka jira xiligaan Soomaaliya.

Hassan Istiila