3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 19, 2017
Madaxweyne Farmaajo oo kulan deg deg ah la qaatay laamaha maaliyada iyo cadaallada DF Soomaaliya

Axad,  Feberaayo, 19, 2017 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta kulamo la qaatay Wasaaradaha Caddaaladda iyo Maaliyadda, isagoo kala hadlay hufnaanta nidaamka Maaliyadda, la dagaallanka musuqmaasuqa iyo sharreynta sharciga dalka.

Kulanka Maaliyadda waxaa guddoominayey Madaxweynaha, waxaana fadhiyay Wasiirka Maaliyadda, Wasiiru Dowlaha, Wasiir Ku Xigeenka, Agaasimaha Guud ee Wasaaraadda, Guddoomiyaha Bankiga Dhexe iyo Xisaabiyaha Guud, waxaana warbixin looga dhageystay Wasiirka Wasaaradda Mudane Maxamed Aadan Ibraahim Farkeeti.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in daah-furnaanta Maaliyadda iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ay yihiin waxyaabaha ugu horreeya ee uu mudnaanta siinayo si shacabka Soomaaliyeed ay ugu kalsoonaadaan dowladda. Waxa uu faray hay’adaha maaliyadda in laga digtoonaado wax walba oo keeni kara in lagu kaco lunsiga hantida dadweynaha.

Madaxweynaha waxaa uu yiri “musuqmaasuqa ma aha oo kaliya in shaqaalaha hoose lagala dagaallamo. Waa in xafiisyada dalka ugu sarreeya ay noqdaan kuwa ka caafimaad qabo musuqmaasuqa. Waxaan farayaa hay’adaha maaliyadda in ay kasbadaan kalsoonida canshuur bixiyeyaasha. Shaqada ugu horreyso ee aan ka dooneyno hay’adahan waa in shaqaalaha ka hawl gala xafiisyadaas in ay helaan mushaar joogta oo ay uga fogaan karaan in ay ku takri falaan amaanada loo dhibay.”

Dhinaca kale Madaxweyne Farmaajo ayaa la kulmay Wasiirka Cadaaladda, Wasiiru Dowlaha, Wasiir ku Xigeenka Xeerl Ilaaliyaha Guud, Taliyaha Asluubta iyo saraakiisha Wasaaraddaasi, waxaana kulankaasi looga hadlay dib u habeynta laamaha garsoorka dalka.

“Waxyaabaha dadka Soomaaliyeed ay baahida weyn u qabaan waxaa kamid ah in sharciga loo sinnaado oo qofkii dambi lagu helo lagu ciqaabo. Waxaan rajeynayaa in hay’adaha Garsoorka, Maxakmadaha, Booliiska, dambi baarista iyo asluubta in ay wada shaqeeyaan oo qolo walba ay kaalinteeda si hufan u hawlgaliso. Waxaa kale oo muhiim ah in la kobciyo aqoonta garsoorayaasha si aysan u qaadan xukunno khaldan oo ku xadgubayo qof aan waxba galabsan.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in la dardargelin doono magacaabista Golaha Adeegga Garsoorka oo ay xukuumaddii hore bilowday balse wali aan la dhameystirin. Golaha Adeegga Garsoorka ayaa ah hay’addii anshax marin lahayd Garsoorayaasha, sidaas darteedna loo baahanyahay in si degdeg ah hawshaasi loo fuliyo.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Jamahuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa sheegay in musuq maasuqa iyo caddaalad darrada meel looga soo wada jeesto maadaama ay saldhig u yihiin dowlad xumada iyo amni darrada dalka ka jirta.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
2/19/2017 2:03 PM EST
Axad, Feberaayo, 19, 2017 (HOL) Madaxweynaha Jamhuuriayada Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa caawa booqday Isbitaalka Madiina ee Magaaladda Muqdisho, oo manta la gaarsiiyay inta badan dadkii ku dhaawacmay qaraxii manta ka dhacay suuq ku yaalla degmadda wadajir ee gobolka Banaadir.

2/19/2017 10:50 AM EST
Axad, Feberaayo, 19, 2017 (HOL) – Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble oo dib ugu laabtay magaalada Jowhar ayaa u magacaabay Axmed Meyre Makaraan in uu noqdo guddoomiyaha rasmiga ah ee gobolka Shabeellaha dhexe.

2/19/2017 10:05 AM EST
Axad, Febraayo 19, 2017 [HOL]-Xaflad lagu taageerayay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Maxamed C/Laahi Farmaajo ayaa lagu qabtay Nairobi maanta.

2/19/2017 9:32 AM EST
Axad, Feberaayo, 19, 2017 (HOL) Ugu yaraan 35 ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku geeryoodeen qarax sababay gaari ay saarnaayeen waxyaabo qarax oo ka dhacay, suuq yar oo aad u mashquul badan oo ku yeela degmadda wadajir ee gobolka Banaadir, salaadii duhur ka dib.

2/19/2017 9:18 AM EST
Axad, Feberaayo, 19, 2017 (HOL) - Jaaliyadda Soomaalida ee ku nool gobolka Minnesota gaar ahaan magaalooyinka mataanaha ah ayaa xalay waxay ay casho sharaf soo dhaween ah u sameeyeen Marwo Caasho Geele oo aheed Wasiirkii hore ee wasaarada haweenka iyo arimaha qoyska ee dowlad goboleedka Puntland.


2/19/2017 7:59 AM EST
Axad, Feberaayo, 19, 2017 (HOL) –Taliyaha booliiska Soomaaliya Jeneraal Maxamed Sh. Xasan Xaamud, ayaa manta tababar magaaladda muqdisho uga furay saraakiil xigeeno gaaraya 80,  kuwaasoo sanadihii la soo u dallacay Darajada Sarkaal ee Xiddigle.

2/19/2017 7:20 AM EST
Axad,Febraayo ,19 , 2017 (HOL) – Diyaarad Militari oo laga leeyahay wadanka Kuweyd, ayaa madaarka magaaladda Berbera keentay caawimo loogu tallogalay dadka abaaruhu saameeyeen ee Somaliland.

2/19/2017 6:59 AM EST
Axad, Febraayo ,19, 2017 (HOL)- Wiil 12 jir ah oo ay isku haysteen saddex qof ayaa maxkamadda gobolka Sool oo ay caawinayaan maxkamada sare iyo Cisbitaalka guud ee Hargeysa ku dhawaaqeen cidda wiilkaaasi dhashay oo loo xukumay.

2/19/2017 6:48 AM EST
Axad, Feberaayo, 19, 2017 (HOL) –Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar looa deegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay goor dhaw lala eegtay Suuq ku yaala xaafadda Kaawo Godey ee degmada Wadajir.

2/19/2017 6:15 AM EST
Axad, Feberaayo, 19, 2017 (HOL) –Dadka Soomaaliladda waxaa ay isha ku hayaan qofka uu madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu u xulan doono in uu noqdo Ra'iisalwasaaraha Soomaaliya.

2/19/2017 6:14 AM EST
Axad, Feberaayo, 19, 2017 (HOL) – Wararka ka imanaya degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in qarax loo adeegsaday gaaari xamuul ah goor dhaw uu ka dhacay xaafadda Kaawo Goday.

2/19/2017 3:43 AM EST
Axad, Feberaayo, 19, 2017 (HOL) – Xarakada Al-shabaab ayaa markii ugu horeeysay shaacisay mowqifkooda ku aadan madaxweeynaha cusub ee dalka, ayagoo sheegay in hogaanka cusub ee uu dalku yeeshay uusan waxba kaga duwanayn madaxdii hore.

2/19/2017 3:20 AM EST
Axad, Feberaayo, 19, 2017 (HOL) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug, ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan nabad-sugida maamulka Galmudug iyo ciidamo Mareynkan ah saldhig ka sameynayaan qeybo ka mid ah gobolka Mudug.

2/19/2017 2:52 AM EST
Axad, Feberaayo, 19, 2017 (HOL) – Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa difaacay guulaha ilaa iyo hadda uu gaaray maamulkiisa, asagoo xalay taageerayaashiisa kula hadlay gobolka Florida.

2/19/2017 2:37 AM EST
Axad, Feberaayo, 19, 2017 (HOL) – Iyadoo lagu waday maanta oo 19ka Bisha February in ay ka dhacdo magaaalada Cadaado doorashada xilka madaxweynaha maamulka, ayaa wararka halkaa ka imanaya waxaa ay sheegayaan in uu dib u dhac ku yimid.