4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 19, 2017
Madaxwaynayaasha waxaa fashilya dadkii doorashada kala shqeeyay Caasho Geele

Axad,  Feberaayo, 19, 2017 (HOL) - Jaaliyadda Soomaalida ee  ku nool gobolka

Minnesota gaar ahaan magaalooyinka mataanaha ah ayaa   xalay waxay ay casho sharaf  soo dhaween ah u sameeyeen  Marwo Caasho Geele oo aheed Wasiirkii hore  ee wasaarada haweenka iyo arimaha qoyska  ee dowlad goboleedka puntland ,

 

waxaana ka soo qaybgalay  qaybaha kala duwan ee bulshada ee isagu jiray ururuada haweenka dhalinyarada culumodiinka  odayaasha aqoonyahnada iyo siyaasiinta laga doorto magaalooyinkaas,

 

halkaa waxaa laga soo jeediyey khudbado ku aadan marxaladaha kala duwan ee uu marayo dalka Soomaaliya, khudbadahii halkaa laga soo jeediyey ayaa u badnaa soo dhaween.



 

Marwo Caasho ayaa u jeedisay dadkii halkaa isku yimi khudbad dheer ay kaga hadashay abaaraha  iyo kaalinta kaga aadan qurbojoogta ,waxayna kaloo aad uga hadashay isbadala dalka ku yimi iyadoo iftiimisay isbadalkaa inuu ku yimi rabitaanka shacabka, waxayna tiri ma jirto walaalayaal hal  madaxwayne oo Soomaaliyeed oo xukunka ka dagay iyadoo ubax loo lulaayo mid kastana waxaa uu tagay isagoo dabada la haysto  oo la lee yahay ilaahow yaa mar naga kaxeeya .

 

Waxay tiri Caasho Geele madaxwaynayaasha waxaa fashiliya dadkii doortay Soomaali baa doorata Soomaali baana fashilisa, madaxwaynaasha dadka fashilya waxaa ugu horeeya dadkii ololaha doorashada la soo galay waa kuwa raba inay mus danbeedka u fariistaan waxayna rabaan in waxa ay jecel yihiin ay ku hogaamiyaan markaa dadkaas madaxwaynahu waa u dhago lugul yahay marka dadkaas ayaa dhib ku noqda.

 

Fashilaha labaad waxay ku sheegtay baarlamaanka oo ay tahay bay tiri in ay ku ekaadaan sharci dajinta ee maaha inay ku milmaan xukumada waana waxyaalahii dowladahii hore naga fashilyey marka baarlamaanka waa inaysan xil qaban ee ay ku egaataan tooda, xafiisyada iyo wisiiraduna ay noqdaan dadka kale ee aan baarlamanka ahayn ayeey raacisay Caasho.

 

Fashiliye kale waxay caasho ku sheegtay odayaasha dhaqanka oo ay tiri waxay dhaafeen meeshoodii oo meel walba wiil bay gacanta hayaan oo ay u doonayaan xil, fashilyaha 4aad waxay ay tiri waa dulaaliin iyo dadka madaxwaynaha qabiilkiisa oo markiiba jaakadogata oo Xamar isku shuba.

 

Ugu danbayntii casho sharafta ayaa lagu soo gabagabeeyay suugaan kala duwan ay luuqaynayeen kooxda fanka ee Minnesota.

 

Siyad Said Salah

Hiiraan Online

[email protected]

Minneapolis Minnesota