4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 19, 2017
Faafaahin: 35 ruux ayaa ku geeryootay qarax ka dhacay magaaladda Muqdisho

Axad, Feberaayo, 19, 2017 (HOL) Ugu yaraan 35 ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku geeryoodeen qarax sababay gaari ay saarnaayeen waxyaabo qarax oo ka dhacay, suuq yar oo aad u mashquul badan oo ku yeela degmadda wadajir ee gobolka Banaadir, salaadii duhur ka dib.

Goobta qaraxa uu ka dhacay waxaa ku sugnaa, dad u badnaa suuqley, waxaana suuqa uu ku dhowyahay isgoyska “Kaaba-Godey”.

Koox wariyaal ah iyo sawir qaadayaal ka socday Hiiraan Online, oo qarax kadib gaaray isbitaalka Madiina ayaa soo wariyay in ay arkeen carruur iyo haween kusoo dhaawacmay qaraxa.

Sidoo kale dadka dhaawacyada qabay waxaa ka mid aheyd hooyo “Uur leh” iyo gabar yar oo da’deeda lagu qiyaasay seddex jir.

Agaasimaha isbitaalka Madiina, Dr Mohamed Yusuf, oo wareysi gaar ah siiyay Hiiraan Online, ayaa sheegay in 35 ruux oo qaba dhaawacyo la gaarsiiyay isbitaalka, halka 11 kamid ah ay dib ugu celiyeen guryahooda, waxaana uu intaasi ku daray in dhimashada ay aad ubadantahay.


“ Waan qadeyneynay xiligii uu qarax dhacayay, jawiga aad ayuu isu bedelay, gabdho saaxiibadeey ah ayaa la ii sheegay in ay ku jiraan kuwii ku dhaawacmay” sidaasi waxaa Hiraan Online u sheegtay gabar lagu magacaabo xaawo cabdi oo ku sugneyd isbitaalka madiina.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda werarka, balse qaraxyada noocaan oo kale ah ayaa waxaa magaaladda ka geysta xarakadda Al Shababaab.

Hassan Istiila

[email protected]