4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 19, 2017
Xaflad lagu taageerayay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya oo lagu qabtay Nairobi

 

Axad, Febraayo 19, 2017 [HOL]-Xaflad lagu taageerayay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Maxamed C/Laahi Farmaajo ayaa lagu qabtay Nairobi maanta.

Xafladaa  ayaa waxaa kasoo qeyb galay siyaasiyiin, aqoonyahano, ganacsato, culimaaudiin, dumar iyo dhallinyaro iyo weliba bahda saxaafada ee Soomaalida.

 

 Xafladaa ayaa waxaa sidoo kale intay socotay qarash loogu uruuriyay dadka ay abaartu saamaysay ee kunool gudaha Soomaaliya. Xafladaa ayaa lagu qabtay garoonka Sir Ali Muslim ee xaafada Pangani ee caasimada dalka Kenya ee Nairobi.

Qarashka loo uruuriyay dadka ay abaartu saamaysay ee gudaha Soomaaliya ayaa dhammaa $100,000 [boqol kun oo doolarka Mareykanka ah] waxaana ku tabarucay ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Nairobi gaar ahaan xaafada Islii ee Soomaalida badani ku nool yihiin. 

Ugu dambeyntii ayaa loo duceeyay madaxweynaha cusub iyo dawlada uu dhawaan soo dhisi doono.

Waxaa sidoo kale halkaa loogu duceeyay ummada Soomaaliyeed in Alle abaarta ka dul qaado iyo colaadaha daashaday.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
Nairobi Kenya
[email protected]