Wasiirka Amniga SL “Anigu imika wariye uma aqaan Coldoon sababtoo ah hawlo kale oo badan ayuu galay”
Isniin, Feberaayo, 20, 2017 (HOL) Wasiiru dawlaha amniga
Somaliland Maxamed Muuse Diiriye, ayaa sheegay in Wariye Coldoon u aqoonsaneyd
suxufi, balse isku bedelay samafale imika noqday siyaasi olola ka dhex waday
doorashaddii Soomaaliya ku soo gabogabowday.
Wasiiru dawlaha amniga Somaliland Maxamed Muuse ayaa
sheegay inu u Cabdimaalik Muuse Coldoon uu qirtay in uu si toos ah u
taageerayey musharax ka mid ah musharaxiintii, isla markaana markii uu soo
noqonayey aanu cafis soo waydiisan xukuumada.
Waxaa uu yiri“ dadkeena halkaasi taga marka khaladka
galaan nimankaasi iska balag doonka ah ee kolba dhinac u cararayaa, markay
tagaan Muqdisho muddo ka dib ayey cafis soo qoran jireen, isagoo cafiskii soo
qoran ayuu madaarka aayar iskaga soo degay, kadibna sidaas ayaa lagu xidhay”.
Wasiirku waxaa uu sheegay in qofka Soomaaliya
tagaya ama ka imanaya looga baahan yahay inu u sito Passpor dal ku gal, isla
markaana haddii uu arrimo siyaasadeed u tago uu cafis soo qoran karo.
Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon ayaa maxkamadda degmadda
Hargeysa u jartay toddoba cisho oo rumaan ah,inta la diyaarinayo dacwadiisa,
waxaana xukuumaddu ku eedeysay inuu Muqdisho u tagay inuu kala taageero
musharaxiintii doorashadda Soomaaliya kala taageero.
Sidoo kale, ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa
sheegtay in aanay u doodi doonin Wariye Coldoon iyo wariyeyaasha kale ee
Soomaaliya taga,isla markaana ku dhexmilma siyaasaddaha Soomaaliya.
Dhinaca kale, wasiirku waxaa uu kahadlay shaqaaqo maalmo
ka hor ka dhacay deegaanka Ceel Afweyn oo laba beelood hore iskugu dirireen,
isla markaana dablay hubaysani laba qof ku dhaawaceen.
“Waxay daba socotay dhibaatooyin hore uga dhacday, taas
oo aanu ku soo afjarnay waxaana ku soo dhamaynay in marka uu Roobku da’o la
isku iman doonno, waayo abaar xun baa meesha dhacday, halkaasi ayey noogu
xidhnayd, habeen dhowayd baa woxooga qalalaase ahi ka dhaceen,’’ ayuu yiri
wasiiru-dowlaha.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland