4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 20, 2017
Raashin yari ba'an oo soo wajahday degmada Gaarisa ee Kenya

Qaar ka tirsan dadka abaartu saameysay ee deegaanka Lagdheera ee degmada Gaarisa
oo biyo doon ah


Isniin, Febraayo 20, 2017 [HOL]-Raashin yari ba'an ayaa soo wajahday degmada Gaarisa ee Kenya, gobolka waqooyi-bari ee Soomaalida.

Dawladu maysan bixin biyo iyo raashin dadka degmada Gaarisa ee abaartu saameysay ku filan. Sidaa waxaa warbaahinta u sheegay xildhibaanka Lagdheera oo degmadaa ka tirsan Mudane Maxamed Shidiye.

Shidiye ayaa sheegay in 120,000 oo qof oo deegaankiisa Lagdheera ku nool ay macaluuleen ayna hadaba u baahan yihiin raashin gargaar ah.

Sebtidii aanu soo dhaafnay ayaa raashin lagu qeybiyay walow uu yaraa dugsiga hoose ee degmada Banaaney ee isla deegaankaasi Lagdheera.

Si kastaba ha ahaatee Mudane Shidiye ayaa sheegay in un 800 oo jawaan oo raashin ah la qeybiyay gaar ahaan bariis.

Wuxuu Mudane Shidiye intaa raaciyay in 25 kartoon oo saliid ahna la qeybiyay isla halkaa Sebtidii.

“Raashinkaasi aad ayuu u yar yahay. Waxaanu u baahan nahay cawimaad dheeraad ah oo dagdag ah si nafafyaalka loo badbaadiyo,” sidaa ayuu yiri.

Wuxuu xildhibaanku ugu baaqay heyadaha samafalka iyo dhammaan samo doonka inay cawimaad lasoo gaaraan dadka deegaankiisa ku tabaaleysan.

Abaar ba'an ayaa iminka ka jirta dalalka Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya gaar ahaan deegaanada xoolaha laga dhaqdo sida degmada Gaarisa.

Abaarta ayaa leysay in badan oo ka tirsanaa xoolihii noolaa ee dadka reer Gaarisa iyo meelaha kale ee dalalkaa ay dhaqanayeen.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
Nairobi Kenya
[email protected]