4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 20, 2017
Madaxweynaha Jubbaland oo Muqdisho soo gaaray ka hor Caleema saarka Madaxweyne Farmaajo

/images/2017/Feb/

Isniin, Febraayo 20, 2017 [HOL]-Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Mohamed Islaan "Madoobe" ayaa maanta galinkii hore soo gaaray magaalada Muqdisho si uu uga qayb-galo munaasabad-da caleema saarka madaxweynaha Somalia oo maalinta arbacad ah dhacaysa.

Axmed Madoobe iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirada ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho oo uu ka maqnaa mudadii lagu jiray ololaha doorashooyinka Soomaliya oo uu ku guulaystay Maxamed C/laahi Faraamjo.

Ilo ka tirsan madaxtooyada Jubbaland ayaa sheegay in Axmed Madoobe uu la kulmi doono madaxweynaha cusub ,iyadoo arimaha ugu badan ee laga wada hadli doono ay khuseeyaan caleema saarka iyo xaalad-da guud ee wadanka.

Madax kale oo ka tirsan maamul goboleedyada dalka ayaa lagu wadaa in ay ka qayb-galaan munaasabad-da caleema saarka Farmaajo oo la sheegay in si weyn loogu diyaar-garoobay ,iyadoo sidoo kale xubnaha la casuumay ay ku jiraan madax ka imaanaysa dalalka gobolka.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa la sheegay in uu ahaa kan kaliya ee aan ku dhex-milmin doorashadii Somaliyeed ,iyadoo madaxda maamul goboleed-yada kale ay kala taageerayeen musharaxiin gooni ah.

Amniga magaalada Muqdisho ayaa si weyn loo sii adkeeyay laba maalin ka hor xiliga qabashada munaasabad-da caleemka saarka oo la filayo in uu ka soo qayb-galo madaxweynihii talada baneeyay ee Xasan Shiekh Maxamuud.

Ugu danbayn , dowladda Somalia ayaa gabi-ahaan-ba xayiraad saartay duulimaad-yadii caadiga ahaa maalinta  caleeema saarka marka laga reebo diyaaradaha sida madaxda ka soo qayb-galaysa caleema saarka.

Faysal M Hassan
[email protected]