4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 20, 2017
Madaxweyne Farmaajo: Dawlada ayaa bixin doonta qarashka dawada ee dadkii ku dhaawacmay qaraxii shalay

Isniin, Febraayo 20, 2017 [HOL]-Kadib qaraxii shalay dhowr iyo sodonka qof ay ku dhinteen ayaa madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/Laahi Farmaajo mar uu isbtaal ku booqday dadkii ku dhaawacmay uu ballan qaaday in dawlada Soomaaliya ay ka bixin doonto dadkaa qarashka daaweynta iyo ama daawada.

Shalay qarax ayaa lagu dilay dhowr iyo soddon qof suuqa Kaawo Godeey ee Muqdisho. Gaari laga soo buuxshay walxaha qarxa ayaa lagu qarxiyay bartamaha suuqaa dadka dhintay maahee waxaa suuqaa sidoo kalena ku dhaawacmay ilaa 40 kale oo qof.

Qaraxa ayaa dhacay duhurkii shalay salaada duhur kadib laakiin markii isbitaalka dadka dhaawacmay uu madaxweynuhu ku booqday waxay ahayd xalay.

'Dawlada ayaa bixinaysa daryeelka caafimaad ee dadka ku dhaawacmay weerarkaa waxuushnimo dadkii laga dhintayna waa la caawin doonaa'. Sidaa ayuu madaxweynuhu yiri asagoo booqanayay dadka dhaawacyada qaba ee la jiifshay Isbitaal Madina.

Sidoo kale ayaa madaxweynuhu sheegay in ilaa $100,000 oo abaal marin ah lasiin doono qofkii soo sheega war lagu soo qaban karo gawaarida qaraxyada lagu soo xiro ee dadka lala eegto.

Dhawaan ayaa waxaa soo badanayay qaraxyada ka dhanka ah ciidamada dawlada Soomaaliya, kuwa maamul goboleedyada, AMISOM iyo shacabka.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]