3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 20, 2017
Gollaha wasiirada maamulka Hirshabeelle oo lagu dhawaaqay [Akhriso Liiska]

 

Isniin, Feberaayo, 20, 2017 (HOL) – Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/laahi Cosoble ayaa goor dhow magacaabay Golaha Wasiirada Maamulka Hirshabeelle oo in mudo ah laga sugayay, maadaama waqti dheer loo siiyay in uu ku soo magacaabo.

Madaxweynaha ayaa soo magacaabay 23 Wasiir, 23 Wasiir ku xigeen iyo 6 Wasiiru Dowle, sida ku cad warqad ka soo baxday xafiiskiisa.

Gollaha wasirada lagu dhawaaqay ayaa intooda badan ah xildhibaanno ka tirsan maamulka Hirshabeelle

Hoos ka Akhriso liiska oo dhameystiran:

 

  

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]

 













Click here
2/20/2017 11:15 AM EST
Isniin,Febraayo ,20 , 2017 (HOL) – Waxa magaaladda Hargeysa iyo goboladda Somaliland si weyn loogu xusay maalinta Dhalinyaradda Somaliland oo sanadka kasta bisha February 20-keedda la dabaaldego.

2/20/2017 10:06 AM EST
Isniin, Febraayo 20, 2017 [HOL]-Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/Laahi Farmaajo ayaa sheegay in $100,000 oo abaal marin ah lasiin doono qofkii soo sheega war lagu soo qaban karo gawaarida qaraxyada lagu soo xiro ka hor inta aan la qarxin dadna aan lagu dilin ama lagu dhaawacin.

2/20/2017 9:34 AM EST
Isniin, Febraayo 20, 2017 [HOL]-Kadib qaraxii shalay dhowr iyo sodonka qof ay ku dhinteen ayaa madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/Laahi Farmaajo mar uu isbtaal ku booqday dadkii ku dhaawacmay uu ballan qaaday in dawlada Soomaaliya ay ka bixin doonto dadkaa qarashka daaweynta iyo ama daawada.

2/20/2017 9:11 AM EST
Isniin, Febraayo 20, 2017 [HOL]-Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Mohamed Islaan "Madoobe" ayaa maanta galinkii hore soo gaaray magaalada Muqdisho si uu uga qayb-galo munaasabad-da caleema saarka madaxweynaha Somalia oo maalinta arbacad ah dhacaysa.

2/20/2017 9:01 AM EST
Isniin, Febraayo 20, 2017 [HOL]-Raashin yari ba'an ayaa soo wajahday degmada Gaarisa ee Kenya, gobolka waqooyi-bari ee Soomaalida.

2/20/2017 8:46 AM EST
Isniin, Febraayo 20, 2017 [HOL]-2 askari oo ka tirsanaa ciidamada Jubaland ayaa dhintay dhowr kalena waa dhaawacmeen kadib markii gaari ay saarnaayeen ay miino ku qaraxday deegaan galbeedka ka xiga tobanaan km magaalada Kismayo ee xarunta ku meel gaarka ah ee Jubaland.

2/20/2017 6:10 AM EST
Isniin, Febraayo 20, 2017 [HOL]-Hayada lacagta aduunka ee IMF ayaa sheegtay inay ka caawinayso Soomaaliya sidii lacago shilin Soomaali ah dalka loogu daabici lahaa.

2/20/2017 3:46 AM EST
Isniin, Feberaayo, 20, 2017 (HOL) – Wakiilka xog-hayaha guud ee QM Machael Keating ayaa cambaareeyay weerarkii ay dadka badan ku dhinteen ee maalintii shalay ka dhacay suuq mashquul badan oo ku yaallay xaafadda Kaawo –Goodey ee degmada Wadajir

2/20/2017 2:17 AM EST
Isniin, Feberaayo, 20, 2017 (HOL) - Xafladd aad u balaaran oo lagu taageerayay madaxwaynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdulahi farmaajo ayaa lagu qabtay magaaaladda St Cloud ee gobolka Minnesota waxaana soo qabanqaabiyey Somali American Relations Council.

2/20/2017 2:05 AM EST
Isniin, Feberaayo, 20, 2017 (HOL) - Xaflad lagu taageerayay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo ay ka qeyb galeen shacab tiro badan, ayaa dhawaan lagu qabtay Magaalada Atlanta ee xarunta gobolka Georgia.

2/20/2017 1:53 AM EST
Isniin, Feberaayo, 20, 2017 (HOL) Wasiiru dawlaha amniga Somaliland Maxamed Muuse Diiriye, ayaa sheegay in Wariye Coldoon u aqoonsayn suxufi, balse isku bedelay sama fale imika noqday siyaasi olola ka dhex waday doorashaddii Soomaaliya ku soo gabogabowday.