4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 20, 2017
Madaxweyne Farmaajo: $100,000 ayaa la siinayaa qofkii soo sheega war lagu soo qaban karo gawaarida qaraxyada lagu soo xiro

Isniin, Febraayo 20, 2017 [HOL]-Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/Laahi Farmaajo ayaa sheegay in $100,000 oo abaal marin ah lasiin doono qofkii soo sheega war lagu soo qaban karo gawaarida qaraxyada lagu soo xiro ka hor inta aan la qarxin dadna aan lagu dilin ama lagu dhaawacin.

Sidaa ayuu madaxweynuhu sheegay mar uu xalay Isbitaal Madina ee Muqdishu ku booqday qaar ka tirsan dadkii ku waxyeeloobay qaraxii shalay lagu qarxiyay suuqa Kaawo Godeey, degmada Wadajir ee caasimada Muqdisho.

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/Laahi Farmaajo markaa uu isbtaalka ku booqday dadkii ku dhaawacmay ayuu sidoo kale ballan qaaday in dawlada Soomaaliya ay ka bixin doonto dadkaa qarashka daaweynta iyo ama daawada.

'Dawlada ayaa bixinaysa daryeelka caafimaad ee dadka ku dhaawacmay weerarkaa waxuushnimo dadkii laga dhintayna waa la caawin doonaa'. Sidaa ayuu madaxweynuhu yiri asagoo booqanayay dadka dhaawacyada qaba ee la jiifshay Isbitaal Madina.

Dhawaan ayaa waxaa soo badanayay qaraxyada ka dhanka ah ciidamada dawlada Soomaaliya, kuwa maamul goboleedyada, AMISOM iyo shacabka.

Dhan kale

2 askari oo ka tirsanaa ciidamada Jubaland ayaa dhintay dhowr kalena waa dhaawacmeen kadib markii gaari ay saarnaayeen ay miino ku qaraxday dagaan galbeedka ka xiga tobanaan km magaalada Kismayo ee xarunta ku meel gaarka ah ee Jubaland maanta.

Miinada ayaa jidka mid lagu aasay ahayd. Askarta dhaawacmay ayaa loo qaaday isbitaalka Kismaayo ee guud.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]