3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 21, 2017
Xuska maalinta Afka hooyo oo London lagu qabtay iyo aqoonyahano ka hadlay


Talaado, Feberaayo, 21, 2017 (HOL) - Magaalada London ayaa lagu qabtay munaasabad lagu weyneynayay   maalinta caalamiga ah ee Afka hooyo, taasi oo ay soo qaban qaabisay Akadamiyad Goboleedka Afka Soomaaliga ee AGA oo ah urur  u heellan  horumarinta Afka hooyo

Howl wadeennada Xafiiska AGA ee dalka Britain oo isaga yimid magaalooyin dhowr ah ayaa si diiran u soo dhaweeyay martida iyo dadweynaha ka soo qeyb galay munaasabadda oo lagu qabtay xarunta ururka la dagaalanka qabyaalada ee ATM

Aqoonyahanada lagu casumay Munaasabadda oo ay ku jiraan khabiiro ku xeeldheer Afka iyo dhaqanka Soomaalida ayaa aad ugu dheeraaday Taariikhda iyo heerka uu soo maray Af Soomaaliga .

Prof. Cabdalla Mansuur oo kayimid dalka Talyaaniga ayaa muxaadaro dheer uu halkaasi ka jeediyay waxaana uu si cilmiyeysan uga hadlay heerarka uu Afku soomaray, iyadda oo buugaagta goobta lagu soo bandhigay kamid ahaa Buug weyn uu qoray ka qoray Afka.

Prof: Cabdalla Mansuur waxaa ayaa sheegay in ka ummad ay Soomaalidu xornoqotay marki la dhaqan geliyay adeegsiga Afka hooyo 1972 ki, taasi oo uu sheegay in ay ahayd talaabo taariikhi ah oo dowladdi kacaanku ay dadka uga tagtay.

“Wixi ka horeeyay 1972 dalku ma mideysneyn oo Engriis iyo Talyaani ayaa wax lagu qori jiray laakin marki la dhaqan geliyay adeegsiga Af Soomaaliga dalku waxaa uu noqday mid mideysan oo xor ka noqday afafki shisheeye ee wax lagu baran jiray ama dowladdu ku shaqeyn jirtay “ ayuu yiri Prof. Cabdallah Mansuur.

Aamina Muuse Weheliye oo ah saxafiyad caan ah, gabyaa iyo qoraa ayaa laba gabay oo midkood ay iyadu sameysay halkaasi ka jeediyay kuwaasi oo aad u qiimo badnaa dadkuna ay u bogeen.

Aamina oo isla markaasi xubin ka ah AGA ayaa gabay ay ubixisay Madaxweyne waxaa uu ahaa mid fariin caafimaad qabta u dirayay madaxweyne kasta oo ay Soomaalidu doorato, waxaana ay si toos ah u cabirtay isbadalka laga doonayo ee ay bulshadu ka sugayaan inta uu xilka hayo.

Sh. Axmed Jowhari oo agaasime ka ah hay’ada Happy Marriage Academy ayaa sheegay in ka Soomaali ahaan aynaan qiimeyn afkeena oo aan xoogga saarno afafka qalaad, waxaana uu sheegay in ay taasi daliil u tahay in aysan buugaag Soomaali ah ku jirin buugaagta aan dhigano maktabada guryaha.

Akadamiyadda AGA ayaa sannad walba maammuus u sameysay maalinta caalamiga ah ee Afka hooyo si dadweynaha Soomaaliyeed ay u ilaashadaan Afka oo ah hantida ugu weyn ee dhaxal ahaan ay Soomaalidu ku faanikarto.

Inkasta oo ay meesha ka maqantahay kaalintii Afku ku lahaa waxbarashada, cilmi barista iyo howlaha dowladda haddaba AGA waxay isku xil qaantay in ugu yaraan dadweynaha Soomaaliyeed la xusuusiyo in sannadkiiba mar maalinta Afka hooyo

Ayaanle Xuseen Cabdi

London, UK

facebook.com/hanoolaato













Click here
2/21/2017 2:49 PM EST
Talaado, Feberaayo, 21, 2017 (HOL) -Ciidamada Maamulka Jubbaland iyo kuwa Kenya ee AMISOM ayaa maanta weerar ku qaaday deegaanka Beerxaani oo qiyaastii 50km dhanka galbeed uga beegan magaalada Kismaayo, halkaasi oo ay bilihii la soo dhaafay ay gacanta ku hayeen maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

2/21/2017 11:06 AM EST
Talaado, Feberaayo, 21, 2017 (HOL) – Meydadka ilaa 87 tahriibayaal ayaa laga hellay xeebaha dalka Liibya, gaar ahaan gobolka Zawiya.

2/21/2017 9:30 AM EST
Talaado, Feberaayo, 21, 2017 (HOL) – Wararka ka imanaya deegaanka Camaara ee gobolka Galgaduud oo dhawaan ay tageen ciidamo Galmudug oo wehlinayeen ciidamada Danab ee militariga dowladda Soomaaliya, ayaa lagu waramayaa in ay la wareegeen dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab.

2/21/2017 9:21 AM EST
Talaado, Feberaayo, 21, 2017 (HOL) –Iyadoo maalintii shalay madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle uu ku dhawaaqay xubnaha gollihiisa ayaa waxaa maanta ka dhacay magaalada Jowhar dibadbax looga soo horjeedo magacaabista gollaha wasiirada cusub.

2/21/2017 7:44 AM EST
Talaado, Feberaayo, 21, 2017 (HOL) –Koox hubeysan ayaa la soo sheegayaa in ay laba askari oo ka tirsan ciidamadda Dowladda Soomaaliya ay ku dileen deegaanka Shalambood ee ka tirsan gobolka Shabelaha Hoose.

2/21/2017 7:37 AM EST
Talaado,Febraayo ,21 , 2017 (HOL) – Taliska ciidanka Booliska Somaliland ayaa ka hadlay xadhiga agaasimaha TV-ga STAR TV Maxamed Baashe Xaaji Xasan iyo wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon, waxaanay sheegeen inay maxkamadda hor keeni doonno.

2/21/2017 6:37 AM EST
Talaado,Febraayo ,21 , 2017 (HOL) –Agaasimihii telefishanka maxaliga ah ee STAR TV Maxamed Baashe Xaaji Xasan ayaa xalay ciidanka amnigu xabsiga u taxaabeen.

2/21/2017 5:48 AM EST
Talaado, Feberaayo, 21, 2017 (HOL) –Madaxweynaha Ahlu Sunna ee gobollada dhexe Sheekh Maxamed Shaakir ayaa goor dhaw oo maanta ah ka degay magaalada Muqdisho, waxaana lagu wadaa in uu ka qeybgalo Caleemosaarka madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

2/21/2017 4:51 AM EST
Talaado, Feberaayo, 21, 2017 (HOL) – Madaxweynaha dowlad gobolleedka Jubbaland Axmed Max’ed Islaam [Axmed Madoobe] ayaa kulan gaar ah la qaatay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

2/21/2017 3:23 AM EST
Talaado, Febraayo 21, 2017 [HOL] Koox hubeysan oo wadatay mooto nooca Bajaaj-ka ah, ayaa waxaa ay gudaha suuqa Bakaaraha ee magaalladda muqdisho ku dileen ganacsade caan ah.

2/21/2017 1:48 AM EST
Talaado, Febraayo 21, 2017 [HOL]-Hayada QM u qaabilsan arimaha carruurta ee UNICEF ayaa sheegtay in 1.4 malyan oo carruur ah ay nafaqo darro ku heyso 4 dal.

2/21/2017 12:41 AM EST
Talaado, Febraayo 21, 2017 [HOL]-Maanta ayaa waxaa lagu wadaa in xaafada Islii ee Nairobi dalka Kenya lagu qabto xaflad lagu taageerayo Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo-International Mother Language Day oo sanad walba maanta oo kale markii taariikhdu tahay 21ka Febraayo la qabto.