4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 21, 2017
Ganacsade lagu dilay suuqa Bakaaraha

Talaado, Febraayo 21, 2017 [HOL] Koox hubeysan oo wadatay mooto nooca Bajaaj-ka ah, ayaa waxaa ay gudaha suuqa Bakaaraha ee magaalladda muqdisho ku dileen ganacsade caan ah.

Toogashada waxaa ay ka dhacday agagaaraha suuqa Khaliifa, sida goob-joogayaal ay sheegeen.

“ Waxaan maqlay rasaas, kadiba dad ordaya waxaa la ii sheegay in ganacsade ay dileen koox hubeysan” sidaasi waxaa yiri Maxamed Cali oo ah ganacsade wax ku iibiya gudaha suuqa oo la hadlay Hiiraan Online.

Ciidamada Police-ka ayaa sheegay in magaca ganacsadaha ay gadaal kasoo sheegi doonaan. 

Ma jirto cid sheegatay masuuliyda weerarka iyo dad ilaa iyo hada loo soo qabtay.

Hassan Istiila

[email protected]