4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 21, 2017
Magacaabistii golaha wasiirada maamulka Hirshabeelle oo laga soo horjeestay

 Talaado, Feberaayo, 21, 2017 (HOL) –Iyadoo maalintii shalay madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle uu ku dhawaaqay xubnaha gollihiisa ayaa waxaa maanta ka dhacay magaalada Jowhar dibadbax looga soo horjeedo magacaabista gollaha wasiirada cusub.

Didbadbaxayaasha oo siweyn uga careysnaa magacaabista madaxweynaha ee xubnaha gollaha wasiirada ayaa sheegay in aysan marnaba ku qanci doonin sida wax loo maamulay iyaga oo sheegay lagu tuntay xaqii ay ku lahaayeen dhimaha golaha fulinta maamulka Hirshabeelle, iyaga oo goodiyay haddii aan wax laga qaban talaabo ka qaadi doonaan sida ay hadalka u dhigeen maamulka.

Qaar ka mid ah ka qeybgalayaashii dibadbaxa ayaa ugu baaqay madaxweynaha maamulka Hirshabeelle in uu laabto habka loo soo dhisay gollaha wasiirada, ilaa taa laga qabtana sida ay hadalka u dhigeen sii wadi doonaan dibadbaxa.

Gollaha wasiirada maamulka Hirshabeelle ayaa kooban 23 wasiir, 23 wasiir ku-xigeen iyo 6 wasiiru-dowle, taasoo guud ahaan xubnaha golaha wasiirada la magacaabay ka dhigeysa 52 xubnood oo intooda badan laga soo dhax xulay baarlamaanka maamulka.

Ugu danbeyntii, dibadbaxa maanta ayaa noqonaya jawaabtii ugu horeeyay ee laga bixiyo dhismaha xubnaha golaha wasiirada Hirshabeelle oo mudo dheer la sugayay magacaabistooda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]