4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 21, 2017
Ku dhawaan 100 tahriibayaal ah oo meydadkooda laga helay xeebta Liibiya

 Talaado, Feberaayo, 21, 2017 (HOL) – Meydadka ilaa 87 tahriibayaal ayaa laga hellay xeebaha dalka Liibya, gaar ahaan gobolka Zawiya.

Dadkan oo sida la sheegay u badnaa dhalinyaro ayaa laga yabaa in ay isku dayayeen in ay ka tallaabaan badda Mediterranean-ka, si ay u gaaraan Taliyaaniga.

Bilihii la soo dhaafay, tirada tahriibayaasha ku dhimatay badda Liibiya ayaa sare u kacday, sida hay'adaha ay sheegayaan.

Doon bac ah oo dillaacday ayaa laga helay meel u dhow xeebta maydadka lagasoo aruuriyay.

Waxaa la rumeysan yahay in doonta noocaas ah lagu qaado 120 qof. Shaqaalaha gurmadka waxay sheegeen in ay suuragal tahay in maydadka qaar ay biyaha hoos u galeen.

Qaar ka mid ah dadka dhintay waa caruur, sida la sheegay.

Afhayeen u hadlay hay'adda Bisha Cas ee Liibiya wuxuu sheegay in maydad badan ay ka soo aruuriyeen xeebta.

Maxamed Al-Misrati wuxuu sheegay in maamulka deegaanka ay maydadka geeyeen qabuuro ku yaalla magaalada Tripoli.

Hay’adda Bisha Cas ayaa baahisay sawiro muujinaya tobannaan maydad oo baco lagu xiray oo yaalla xeebta.

Ugu danbeyntii, hay'adda socdaalka u qaabilsan Qaramada Midoobey ee IOM waxay sheegtay in doonta Axaddii ay ka safartay Liibiya, waxaana saarnaa sida la xaqiijiyay 110 qof.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]