Talaado, Feberaayo, 21, 2017 (HOL) -Ciidamada Maamulka Jubbaland iyo kuwa Kenya ee AMISOM ayaa maanta
weerar ku qaaday deegaanka Beerxaani oo qiyaastii 50km dhanka galbeed
uga beegan magaalada Kismaayo, halkaasi oo ay bilihii la soo dhaafay ay
gacanta ku hayeen maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.
Goobjoogayaal ku suggan deegaanka Beerxaani ayaa VOA-da u xaqiijiyay
in ciidamada is garabsanaya oo wata taangiyo iyo gaadiidka dagaalka ay
hareereeyeen tuulada kadibna ay rasaas iyo duqeyn ku qaadeen fariisimaha
maleeshiyada Al-Shabaab ee Beerxaani, halkaasna uu ka dhacay dagaal
socday ku dhawaad hal saac.
Ilaa iyo hadda s rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay dagaalka ee
soo kala gaadhay dhinacyada dagaallamay, hase yeeshee waxaa jira labo
ruux oo ka tirsan dadka deegaanka oo uu dhaawac ka soo gaaray rasaasta
la isku adeegsanayay.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalka ay qeyb ka ahaayeen
diyaaradaha dagaalka kuwaasi oo duqeyn dhanka cirka ah u geystay
saldhigayada deegaanka ee Al-Shabaab, waxaana sidoo kale jira warar kale
oo sheegaya in ciidamada is garabsanaya ee weerarka ku qaaday Beerxaani
ay bartilmaamsanayeen sarkaal ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab, kaasi
oo aanan wali magaciisa la shaacinin.
Ugu danbeyntii, masuulyiinta Maamulka Jubbaland wali kama uusan hadlin weerarka ay
Ciidamadooda iyo kuwa AMISOM ay ku qaadeen deegaanka Beerxaani.
Xigasho Warka : VOA
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]