Arbaco, Marso, 01, 2017 (HOL)- Dadka
reer Hargeysa ayaa wali siweyn u sii hadal haya arin aan wali horay u dhicin
kadib markii gabar aroos malxiis ka dhigatay wiil dhalinyaro ah oo ay is
garanayeen kaasoo isku soo ekeysiiyay qof dumar ah.
Qisadan umadda oo dhami ka yaabtay waxay ka dhacday magaaladda Hargeysa, waxaana ay noqotay sheekadda loogu hadal haynta badan yahay magaaladda, kadib markii nin naag iska dhigay uu malxiis u noqday haweenay aroos aheyd, hasse ahaatee muddo kadib markii danbe la ogaaday in qofka la jooga gabadha arooska ah aysan aheyn dumar balse yahay nin dhalinyaro ah oo gabadha horay xiriir ula lahaa.
Cabdiraxmaan Ismaaciil Cumar waa wiilka aroostay haweenay magaceedda la yiraahdo Aamina Muuse Aw Diiriye, hass ahaatee aroosadan Aamina Muuse waxaa la socday oo u shaqaynayey nin naag iska dhigayey oo magaciisa u bedeshay Asma Codey taas oo muddo labaatan cisho ah xaafada u shaqaynayey.
Wararku waxay sheegayaan in gabadhan aroosaddu ay garanaysay ninkan naagta iska dhigayey markii ay soo kaxaysanaysey oo gurigooda ku wada noolaayeen ninkan naagta iska dhigaya iyo haweenaydan imika arooska ah, markii la guursaday la soo wareegatay ninkan naagta iska dhigaya.
Cabdiraxmaan Ismaaciil Cumar oo ka warbixnaya dhacdadan ugubka ah ayaa sheegay in ninkan naagta iska dhigayey uu xidhan jiray dharka dumarka, isla markaana uu marsan jiray cilaanka iyo cusburka ay haweenku marsadaan, taas ayaa keentay in xiitaa dadkii jaarku u haystaan inuu naag yahay, wallow codkiisa weyn marar qaarkood dadku odhan jireen ma nin baa cod weynaa.
Cabdiraxmaan Ismaaciil oo qisadan ka warbixinaya waxa uu yiri ‘’“Walaalo waxaan
guursaday haweenay magaceeda la yidhaahdo Aamin Muuse Aw Diiriye, haseyeeshee
Gabadh aroosadda la socotay oo dharka haweenka iyo cilaanka haweenka marsan
jirtay ayaa muddo kadib aanu ogaanay in naagtan guriga joogta ee noo
shaqaynayaa aanay naag ahayn ee uu nin yahay, waxaana sheekadaasi khashiftay
Ninkan la baxay Asma Codey oo hooyaddii guriga timid, ka dibna xaaskaygii ayey
ku tidhi Aaminay maxaad iga qarinaysa Cabdiraxmaan mee inankii, xaaskaygiina
waxay tidhi maan arag, ka dibna dad guriga joogay baa yidhi dee wiil ma
joogee gabadh Asma Codey la yidhaa ayaa guriga joogta, markaasay islaantii ayaa
tidhi gabadh maahee waa wiil, sidaas ayaa lagu ogaaday oo aanu saldhiga ku
gaynay” Markii Maxkamada la keenay waxa u soo xidhay dharkii raga oo surwaal iyo
shaadh ayuu xidhan yahay,marka way xidhan yihiin gabadhii aan soo guursaday iyo
ninkan la socday ee Naagta iska dhigayey, maxkamadda hawshaaasi ku jirtaa”ayuu
yidhi Cabdiraxmaan oo qisadani ku dhacday.
Ninnkan gabadha qabay ayaa sheegay in ninkan gabadha iska dhigayey uu markii horaba gurigooda iskala joogi jiray oo ay saaxiib ahaayeen, waxaana mar walba ku labisan jiray dharka, cilaanka dumarku marsadana.
Arrintan ayaa noqotay qiso dadka ka yaabisay, isla markaana noqotay tii loogu
hadal haynta badnaa toddobaadkii u dambeeyey, hasse ahaatee waa markii ugu
horeeyey ee ninka aroostay abadha uu si toos ah warbaahinta uga hadlo una
sharaxo siday wax u dhaceen.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.