4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 24, 2017
Ra’iisal wasaare Kheyre oo gaaray deegaanka Balli-Doogle ee gobolka Shabeellaha hoose

 

Arbaco, May, 24, 2017 (HOL)- Ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xassan Cali Kheyre  iyo wafdi uu horkacayo ayaa goor dhaw oo maanta ah gaaray deeganka Bali doogle ee gobolka shabeellaha hoose halka saldhig ay ku lee yihiin ciidamada dowlada.

Ra’iisal Wasaaraha Xukumadda iyo wafdiga ka socda ayaa lagu wada in ay kulamo la qaataan Saraakiisha ciidamada dowlada ee ku sugan gobolka shabeellaha hoose.

Dhinac kale inta u dhexeysa deegannada Muuri iyo Baladu-aamin ee Gobolka shabeellaha hoose waxaa ka socda dagaal u dhexeya ciidamada dowlada iyo Al shabaab ilaa iyo haddan lama oga khasaaraha dhabta ee ka dhashay.

Safarkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee ra’iisal wasaaraha uu ku tago meel ka baxsan magaalada Muqdisho gudaha Soomaaliya tan iyo markii xilkan loo dhaariyay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]