4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 24, 2017
Saraakiil ka tirsan ciidamada Kenya oo qarax lagu dilay

 Arbaco, May, 24, 2017 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa sheegaya in qarax miino lagu dilay saddex sarkaal oo ka tirsan ciidamada booliiska.

Gaar ahaan wararka ayaa lagu waramayaa in uu ka dhacay degmada Liboya iyo tuulada kulan ee xadka Soomaaliya iyo Kenya.

Marka laga soo tago khasaaraha dhimashada ee soo gaaray saraakiisha ciidamada booliiska Kenya, qaraxa ayaa u  geystay waxyeelo kale ciidamada.

Inta badan gudaha dalka Kenya waxaa ka dhaca weeraro toos ah iyo qaraxyo lagu bartilmaameesado ciidamada dalka Kenya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]