4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 25, 2017
Qof madaxa looga jiro ''Dhimirka la'' oo dad ku dilay deegaanka Bacaad-weyn ee gobolka Mudug

 

Khamiis, May, 25, 2017 (HOL) – Wararka naga soo gaaraya deegaanka Bacaad-weyn ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in qof madaxa looga jiro ''Dhimirka La'' dil iyo dhaawac ku geystay dad shacab ah.

Dadka ku sugan deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in rasaas khasaare sababtay ninka ku furay dad shacab ah, waxaana goobta ku dhintay qof rayid ah, halka shan kale oo ruuxna ay goobta ku dhaawacmeen.

Ninka falka geystay ayaa la sheegay in markii danbe uu goobta isaga tagay waxaana argagax iyo cabsi arintan ku abuurtay shacabka deegaanka.

Saraakiil ka tirsan maamulka degmada Bacaad-weyn ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in qofka falka geystay madaxa looga jiray, waxaana ay intaa ku darreen in lagu raad joogo.

Dhacdadan ayaa walwal iyo baqdin ku abuurtay dadka deegaanka, iyaga oo ka cabsi qaba in wax yeelo kale uu geysto madaama aan wali gacanta lagu dhigin, islamarkaana uu heysto qorigii uu dadka ku dilay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]