3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 25, 2017
Soomaaliland oo diiday lacagtii abaaraha ee dowladda Soomaaliya ugu deeqday

 

Khamiis, May, 25, 2017 (HOL) – Shirkii Golaha Wasiirada ee xukuumadda Somaliland ayaa lagu go’aamiyey in aanay Soomaaliya ka qaadanin lacag laba boqol oo kun oo doolar ah oo guddida abaaraha Soomaaliya sheegeen inay ugu deeqayaan Somaliland.

Somaliland ayaa sheegtay inay hadda ku jiraan ka soo kabashadda abaaraha oo loo ururiyey lacag dhan saddex milyan iyo laba boqol taas oo qorshuhu ku jiro in la ururiyo lix milyan si dadka abaaraha wax ku noqday loo taakuleeyo.

“Shirkii golaha Wasiiradda Ee Tirsigiisu Ahaa 2/25/2017 -220 Oo uu gudoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo ayaa lagu gudoomiyay in aan la aqbalin lacagta 200,000$ ah ee dawlada aynu jaarka nahay ee Soomaliya tidhi waxaan ugu deeqay maamul goboleedyada Soomaaliya oo aanay Jamhuuriyada Soomaaliland kamid ahayn waxaanu sheegayaa in Somaliland tahay dal madaxbanana.”ayaa yidhi wasiirka Warfaafinta Cadaani oo ka hadlayey shirkii golaha wasiiradda go’aamadii ka soo baxay.

Waxaana intaas ku daray “Waxa kale oo aanu sheegayaa dawladda Soomaliya in Umadda Soomaaliland ay kujirto Qorshaha kasoo kabashada Abaaraha lana ururiyey lacag dhan 3281,940.55, Qorshuhuna yahay in la ururiyo lacag dhan 6 milyan oo Dollar, lana filayo sida hawshaasi usocoto in ay lacagtaasi ka badato.Waxa kale oo aanu Umadda Somaliland ugu baaqaynaa inay ka dhiidhiiyaan Quudhsiga Soomaaliya wado oo ficil ahaan u bedelaan inay ururiyaan lacagtaas balaadhan oo ay aduun weynaha iyo Soomaaliyaba tusaan inaynu  nahay Umadd isu damqata oo isku tashada cid ama gobol Soomaaliland ah oo aqbali karaana majiro lacagtaas Soomaaliya.”

Sidoo kale, waxa uu sheegay wasiir Cadaani in shirkii wasiiradda lagu go’aamiyey in qaadhaanka la ururinayo uu wasiir waliba bixin doonno shan boqol oo dollar, agaasimeyaashuna bixin doonaan laba boqol oo dollar.

Wasiirka waxa kale oo uu ka hadlay hadal ka soo yeedhay madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland, waxaanu yidhi “Waxaa kale oo madaxweyne ku xigeenka Putland sheegay in ay Putland iyo Soomaliland heshiiska DP WORLD dawladda Soomaaliya u saxeexday, waxa kale oo uu ku daray in dawladda Somaaliland ka baqayso dadkeeda oo aanay u sheegi karayn. Waxaan leeyahay Dawladda Soomaaliland ee uu gadhwadeenka ka yahay Md.Axmed Maxamed Silaanyo waa dawlad dadku doortay waxa ka dhaxeeyaana yahay in run lagu wada shaqeeyo, Soomaaliya madaxweyneheedu umuu cawdeen dawladda Imaaraadka Carabta hadii uu saxeexay heshiiskaasi. Heshiiska waxa lagu saxeexay fagaare waxaana wadankan u saxeexay wasiirka arrimaha debada Dr.Sacad Cali shire, ayaa saxeexay arrinkaas DP WORLD iyo saldhigaba . Hadii ay saxeexeen maxay u iman waayeen markii lagu wareejinayay DP WORLD aduunka oo dhan ayaa wax ka qoray, waar haday awoodaa leeyihiin iyaga ayaa ka talin lahaa ee iskamay fadhiyeen.”

Wasiirka waxa kale oo uu sheegay in shir warbaahinta iyo xukuumaddu shalay ku yeesheen xarunta madxtooyadda la isku afgartay in cafis lagu siidaayo wariye Cabdimaalik Coldoon oo maxkamadda gobolku ku xukuntay laba sanno.

“Waxa shalay qabsoomay shir ay Saxaafadda iyo dawladu ay wada galeen oo lagaga wada hadlay arrimo dhawr ah.Shirkaas midhadhalkiisuna waxa uu dhalay in madaxweynaha Soomaaliland  Axmed Maxamed Silaanyo cafis u fidiyay Cabdimaalik Muuse Coldoon oo ahaa weriye maxkamada gobolka maroodi-jeex denbi Qaran ku xukuntay kaas oo ahaa 2 sano oo xadhig ah, isagoo tixgalinaya madaxweynuhu weydiintii ay weydiisteen eheladii iyo madax dhaqameed badan ayuu maanta madaxweynuhu u fidiyay cafis madaxweyne, weriyahaasi.”ayuu hadalkiisa raaciyey.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.













Click here
5/25/2017 3:16 PM EST
Khamiis, May, 25, 2017 (HOL) – Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland ayaa furay kulan laysugu keenay laba beelood oo colaad mudo dheer soo jiitamaysey ka dhextaagnayd Koonfurta gobolka Sool.

5/25/2017 2:02 PM EST
Khamiis, May, 25, 2017 (HOL) – Saraakiisha booliiska dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay soo bandhigay sidii uu u dhacay qaraxii maalintii shalay lagu bartilmaameedsaday maqaaxi ku taalla agagaarka dekedda Muqdisho.

5/25/2017 12:49 PM EST
Khamiis, May, 25, 2017 (HOL) –Maanta magaalladda Muqdishu waxaa lagu qabtay munaasabadda xuska Maalinta Africa.

5/25/2017 11:44 AM EST
Khamiis, May, 25, 2017 (HOL) –Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa si rasmi ah u daah furay Ollolaha nadaafadda ee bilicda dalka oo maanta ka bilowday magaalada Muqdisho, kaasoo lagu aruurinayo qashinka yaala goobaha aan loogu tala galin iyo wadooyinka magaaalda.

5/25/2017 10:59 AM EST
Khamiis, May, 25, 2017 (HOL) –Kulan ay maanta isugu yimaadeen golaha wasiirada dowlad goboleedka Jubaland oo uu shir gudoominayay Madaxweeynaha Jubaland Mudane Axmed Max'ed Islaam ayaa lagu eedeeyay wasaaradda beeraha dowladda Soomaaliya...

5/25/2017 10:26 AM EST
Khamiis, May, 25, 2017 (HOL) – Ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xassan Cali Kheyre iyo ku-xigeenkiisa oo wehliyaan xubno ka tirsan gollaha wasiirada ayaa maanta daah furay olalaha nadaafada caasimada Muqdisho.

5/25/2017 9:50 AM EST
Khamiis, May, 25, 2017 (HOL) – Labo askari oo ka tirsanaa ciidamada Kenya ayaa lagu dilay Qarax ka dhacay deegaan ka tirsan gobolka Waqooyi Bari dalka.

5/25/2017 7:57 AM EST
Khamiis, May, 25, 2017 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliland ayaa goor dhaw oo maanta ah qoraal ka soo baxay cafis u fidiyay wariye Cabdi Maalik Muuse Coldoon oo bilihii ugu danbeeyayba ku xirnaa magaalada Hargeysa.

5/25/2017 7:32 AM EST
Khamiis, May, 25, 2017 (HOL)–Wararka naga soo gaaraya deegaanka Bacaad-weyn ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in qof madaxa looga jiro ''Dhimirka La'' dil iyo dhaawac ku geystay dad shacab ah.

5/25/2017 6:15 AM EST
Khamiis, May, 25, 2017 (HOL) – Dowladda Mareykanka ayaa maanta waxaa ay ku dhawaaqday 329 million oo dollar in ay uga qeyb qaadaneyso abaaraha wadaada South Sudan, Nigeria, So0malia iyo Yemen.

5/25/2017 5:16 AM EST
Khamiis, May, 25, 2017 (HOL) – Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa xalay xaqiiqsatay ka qeybgalka koobka qaarada Yurub ee Chamions leaguge kaddib markii ay xalay 2-0 uga adkaatay kooxda reer Holand ee Ajax.

5/25/2017 4:54 AM EST
Khamiis, May, 25, 2017 (HOL) – Dowladda Liibiya ayaa baareysa Ramadaan Abedi oo ah Aabaha dhalay wiilkii qaraxa ka geystay goob bandhig fanneed ah oo ku taalla magaalada Manchester, halkaasoo ay ku dhinteen 22 ruux.

5/25/2017 4:39 AM EST
Khamiis, May, 25, 2017 (HOL) - Safiirka Dowladda Turkiga ee Soomaaliya Ambassador Olgan Bekar ayaa sheegay dowladda Turkiga in ay ka qeyb qaadaneyso Mashaariicda Hormarineed ee Soomaaliya dib u dhiska ciidamada iyo Hormarinta Kaabayaasha Dhaqaalaha.

5/25/2017 4:32 AM EST
Khamiis, May, 25, 2017 (HOL) – Iyadoo waayadii ugu danbeeyay Al-shabaab kordhiyeen weerarada iyo qaraxyada lagu bartilmaameedsanayo goobaha ay dadku ku badan yihiin ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa arinta ka hadashay xukuumada Soomaaliya.

5/25/2017 4:16 AM EST
Khamiis, May, 25, 2017 (HOL) - Ra’iisul wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo kormeeray maalintii shalay dhabbaha ay ka duulaan diyaaradaha ee garoonka magaalada Muqdisho ayaa sheegay in xiliyada habeenkii uu shaqeyn doono garoonka.

5/25/2017 3:54 AM EST
Khamiis, May, 25, 2017 (HOL) -Dagaal xooggan oo u dhexeeyay Al Shabaab iyo ciidanka dowladda oo shalay ka dhacay degaanno hoos yimaada gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa waxaa kasoo baxaya faafaafino kala duwan.

5/25/2017 3:19 AM EST
Khamiis, May, 25, 2017 (HOL) -Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun dil ah ku fulisay nin lagu eedeyay in uu dilay Taliyihii Nabad sugidda Gobolka Shabeellaha Dhexe C/wali Ibraahim Maxamed.