3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 26, 2017
Dowladda federaalka Soomaaliya oo ku dhawaaqday bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan

 Jimco, May, 26, 2017 (HOL) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in Radamaan caawa koow yahay, sidda ay shaacisay wasaarrada Diinta iyo Owqaafta.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Owqaafta iyo arrimaha diinta xukuumadda Soomaaliya Maxamed Kheyroow Aadan oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in dhalashada bisha Ramadaan caawa la arkay.

“Umadda Soomaaliyeed Hambalyo ayaan leeyahay, wasaaraddu waxaa ay xaqiijisay dhalashada bisha barakeysan ee Ramadaan, Mashaa’iq waaweyn iyo dad lagu kalsoonyahay oo wasaaradda la soo xiriiray ayaa noo sheegay in ay indhahooda ku arkeen bisha, sidaas darteedna caawa Ramadaan uu koow yahay” ayuu yiri sh Kheyroow.

Wasaaradda Owqaafta iyo arrimaha diinta xukuumadda Soomaaliya ayaa ku boorrisay dadweynaha Soomaaliyeed in ay is cafiyaan ayna caawiyaan dadka tabarta daran ee duruufaha adag ee xagga nolosha ku sugan.

Sidoo kale dowladaha dunida Islaamka ayaa iyaguna xaqiijiyay in caawa uu yahay habeenkii koowaad tirsiga bisha barakeysan ee Ramadaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
5/26/2017 11:12 AM EST
Jimco, May, 26, 2017 (HOL) - Madaxweynaha Koonfur Africa Jocob Zuma ayaa saxiixay sharci cusub oo dadka soo galootiga ah u ogalaanaya in ay qaadan karaan ama badali karaan sharcigooda qaxootinimo ka dib kulan uu shir gudoominayay oo ay yeesheen golaha wasiirada ee Koonfur Afrika.

5/26/2017 10:54 AM EST
Jimco, May, 26, 2017 (HOL) - Maxkamadda sare ee Soomaaliya ayaa laashay siddeed ka mid ah kuraasta aqalka hoose ee baarlamanka Soomaaliya, waxayna amartay in dib loogu noqdo doorashaadooda.

5/26/2017 6:32 AM EST
Jimco, May, 26, 2017 (HOL) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), ayaa maanta dalka dib ugu noqday, kadib maalmo uu booqasho ku joogay qaar kamid ah wadamadda Khaliijka iyo Jabuuti.

5/26/2017 6:15 AM EST
Jimco, May, 26, 2017 (HOL) –Wasiirka Gargaarka Iyo Maareynta Musiibooyinka xukuumadda Soomaaliya Maryan Qaasim, ayaa maanta oo jimca ah daahfurtay mashruuc cusub oo la doonayo in lagu afuriyo 1.1 million oo Soomaali oo ku nool gudaha dalka Soomaaliya.

5/26/2017 2:15 AM EST
Jimco, May, 26, 2017 (HOL) –Dalka Yemen waxaa shalay oo khamiis aheyd lagu aasay Allaha unaxariistee meydadka 31 qof oo muwaadiniin Soomaaliyeed ahaa oo lagu duqeyay doon ay saarnaayeen 17 Marso 2017.

5/26/2017 1:46 AM EST
Jimco, May, 26, 2017 (HOL) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) iyo Boqorka dalka Qadar Emir H H Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani, ayaa kulan guul iyo mira dhal kusoo dhamaaday ku yeeshay magaalladda Doha ee caasimada dalka Qadar, sida uu sheegay wasiirka arrimaha dibadda dalka Qadar Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani.

5/26/2017 1:12 AM EST
Jimco, May, 26, 2017 (HOL) –Koox Bastoolado ku hubeysan ayaa xalay xaafadda Banaadir ee degmada Hodan ku dilay haweeney ganacsata ah, sida Police-ka ay sheegeen.