4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 27, 2017
Dowladda Kenya oo ka foojigan weerarada Al-shabaab

 

Sabti, May, 27, 2017 (HOL) – Iyadoo maalmihii ugu danbeeyay weeraro loo adeegsanayay qaraxyo ay ka dhaceen deegaanno ka tirsan gobolka Waqooyi Bari, ayeey sheegtay dowladda Kenya in ay ka foojigan tahay weeraro mar kale uga yimaada dhinaca Al-shabaab.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in si weyn loo adkeeyay ammaanka xadka ay la wadaagto dalka Soomaaliya, islamarkaana ciidamada ay wadaan howgallo lagu baadigoobaayo dagaalyahanada ka tirsan Al-shabaab ee ku sugan gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya iyo sidoo kale xadka ay wadagaan labada dal.

Kenya ayaa xustay in ay heshay xog ku aadan in Al-Shabaab ay qorsheynayaan weeraro ay ka geystaan dalka Kenya, gaar ahaan magaalooyinka Gaarissa iyo Mandera ee gobolka Waqoo Bari ee dalka Kenya.

Sarkaal ka tirsan sirdoonka Kenya ayaa warbaahinta u sheegay in dowladda Kenya ay ku jirto feejignaan dheeri ah, islamarkaana ciidankeeda ay diyaar u yihiin in ay Al-Shabaab ka ilaaliyaan in ay kasoo gudbaan xadka wadaagaan labada dal.

Dhawaan ayeey aheyd markii dowladda Kenya boqolaal ka mid ah askarteeda ay geysay xadka ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]