4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 28, 2017
Ciidamada Liyuu booliiska oo lagu eedeeyay in ay dad shacab ah ku dileen gobolka Mudug

 

Axad, May, 28, 2017 (HOL) – Ciidamada Liyuu Booliiska ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa lagu eedeeyay in ay dad shacab ah ku dileen deegaan ka tirsan gobolka Mudug oo hoostaga maamulka Galmudug.

Cabdi Xusseen Sheekh oo ah guddoomiye ku-xigeenka dhinaca amniga gobolka Mudug ee maamulka Galmudug ayaa sheegay in ciidamada Liyuu Booliiska Itoobiya sadex qof oo shacab ah ku dileen deegaanka Saaxo sidoo kale tiro kale dhaawaceen.

Mas’uulkan ayaa ku eedeeyay ciidamada Liyuu Booliiska in ay dhibaato ku hayaan dadka ku dhaqan deegaannada xadka gobolka Mudug uu la wadaago dhulka ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya.

Ciidamada Liyuu Booliiska ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa marar badan dad shacab ah ku dilay gudaha Soomaaliya, waxaana marar badan oo hore arintan iska arkay mas’uuliyiin ka tirsan dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo maamulka Galmudug.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]