4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 28, 2017
Ciidamada dowladda iyo Al-shabaab oo mar kale ku dagaalamay gobolka Shabeellaha hoose

 

Axad, May, 28, 2017 (HOL) – Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal mar kale ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo Al-shabaab ku dhaxmaray deegaanka Number 50 ee gobolka Shabeellaha hoose.

Dadka deegaanka ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in iska horimaad xoogan halkaa ku dhaxmaray xalay ciidamada dowladda iyo Al-shabaab kaddib markii xoogagga ururka Al-shabaab weerar ku qaadeeen fariisimo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda.

Labo ruux oo dadka deegaanka ah ayaa lagu waramayaa in ay ku geeriyoodeen iska horimaadkii xalay, sidoo kalana waxaa jira khasaare kala gaaray dhinacyadii uu iska horimaadku dhaxmaray.

Al-shabaab ayaa weerarada ugu badan ka geystay gobolka Shabeellaha hoose oo fariisimo dhowr ah ay ku leeyihiin ciidamada dowladda iyo kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM.

Dhaawan waxaa gobolka booqday ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo halkaa tababar u soo xiray ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka Soomaaliyeed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]