4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 28, 2017
Ra’iisal wasaare Kheyre oo dhagax dhigay waddo muhiim ah magaalada Muqdisho

 

Axad, May, 28, 2017 (HOL) - Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa goor dhaw oo maanta ah dhagax dhigay jidka 30-ka oo lagu sameynaayo dib u dayactir, waxaana uu shacabka ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan.

Ra’iisul wasaaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in dhismaha wadooyinka magaalada Muqdisho ay ka qeyb qaadanayso bilicda iyo sidoo kale xasilinta caasimadda.

Waxaa uu bulshadda Soomaaliyeed ka dalbaday in ay u istaagan dhismaha Wadooyinka Muqdisho.

Wadada Sodanka ayaa dhexmarta degmooyinka Hodan, Warta Nabadda , iyo Yaaqshiid, waana waddo marka la eego muhiim u ah isku socdka guud ahaanba caasimada, hasse ahaatee muddo dheer aan dib u dayactir helin.

 

Waxaa sidoo kale ra’iisal wasaaraha ku wehlinayay munaasabada furintaanka dib u dayactirka wadada 30ka guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]