4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 28, 2017
Liibiya : Jabhad weyn oo bur burtay

 

Axad, May, 28, 2017 (HOL) - Ururka ka tirsan maleeshiyaadka Islaamiga ah ee ka dagaalama gudaha waddanka Liibiya - kaas oo uu Mareykanku ku eedaynayo in uu ka dambeeyay weerrarkii 2012-kii lagu qaaday howlgalka America ee Benghazi - ayaa sheegay in ay burbureen.

Ururka Ansaar Al-Shariica ayaa la dagaalamayay ciidamada isku tilmaamay in uu yahay xoogga qaranka Liibiya, oo saldhigyada ku leh bariga dalkaasi kaas oo uu abaanduule u yahay Khaliifa Xaftar.

Bayaan uu soo saaray ururkaasi ayuu ku sheegay in khasaare weyn uu ka soo gaaray dagaaladda, isla markaana la laayay hogaankiisa.

Jabhaddaasi ayaa ugu baaqday ururrada Islaamiyiinta ah in ay u midoobaan dagaalka Benghazi.

Hogaamiyihii Ansar al-Shariica, Maxamed Azahawi, ayaa dabayaaqadii 2014 ku dhintay dagaal ay xooggagiisa Benghazi kula galeen ciidanka Jenaraal Khaliifa Xaftar.

Jenaraalka oo ka dagaallama bariga Liibiya, ayaa horraantii bishan qaaday duulaan uu Benghazi kaga xoraynayo xooggaga mintidiinta ah.

Qaar badan oo ka mid ah dagaalyahannada Ansar al-Shariica ayaa ku biiray ururka la baxay Dowladda Islaamiga ah ee Liibiya.

Jabhadaasi ayaa markii ay dhacday dowladdii Qadaafi, waxa ay la wareegtay saldhigyadii ciidan ee ku yaallay Benghazi, waxaana ay ka dhigtay goobo lagu tababaro kumannaan dagaalyahan oo intooda badan markii dambe aaday Ciraaq iyo Suuriya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]