4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 28, 2017
Baarlamanka Jubaland oo xasanaaddii ka qaaday laba mudane oo ka tirsan baarlamanka
Axad, May, 28, 2017 (HOL) -Mudanayaasha baarlamanka dowlad goboleedka Jubaland oo isugu yimid kulan aan caadi ahayn ayaa waxa ay sheegeen in ay xasaanadii ka qaadeen labada xildhibaan oo ka tirsan baaramanka.

Xildhibaan  Max’ed Cali Yuusuf iyo Xildhibaan C/qaadir Ibraahim Cali oo ka tirsan baarlamanka Jubaland ayaa dhawaan shirar kala duwan oo ay ku qabteen magaalada Muqdisho waxa ay sheegeen in ay yihiin garab mucaarad ah oo ka tirsan baarlamana.

Kulankii maanta oo ay soo xaadireen 41 Xildhibaan ayaa waxaa shir gudoominayay gudoomiyaha baarlamanka Mudane Cabdi Max’d C/raxmaan, waxaana ugu horeyn goobta ka hadlay xubno ka tirsan gudiga anshaxa baarlamanka oo soo bandhigay qodobada ay u cuskadeen xil-ka-qaadiska mudaneyaashan.

Geelle Max’ed Aadan oo kamid ah gudiga ayaa madasha ka aqriyay qodobo dhowr ah oo ay sheegeen in ay u cuskadeen xil-ka-qaadista, ayagoo sheegayin xildhibaannada ay ku hadleen hadallo ay isaga horkeenayaan bulshada deegaanka.

Waxa ay sheegeen in labada mudane ay sameeyeen kulamo beeleedyo gooni gooni ah oo lagu abaabulayo sida ay hadalka u dhigeen falal la isaga horkeenayo bulshada deegaanka.

Waxa sidoo kale ay mudanayaashu ku eedeeyeen in ay si cad u sheegeen in ay ka baxeen baarlamanka, ayagoo dowladda iyo baarlamanka Jubaland ku eedeeyay in uu yahay mid fashil ah.

Warbixinta oo ahayd mid dheer ayay gudigu kusoo gudbiyeen qodobo kale oo ay ku shaaciyeen in ay sabab uga dhigeen in xilka laga qaado labadaasi mudane.

Gudoomiyaha baarlamanka Jubaland Cabdi Max’ed C/raxmaan ayaa gabagabadii cod u qaaday in xasaanadda laga qaado labadaasi Mudane, waxaana dhammaan 41-xubnood ee soo xaadirtay kulanka ay u codeeyeen in xilka laga qaado.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.