4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 28, 2017
Ra’iisal wasaare Kheyre o o la shiray wakiillada beesha caalamka ka jooga Soomaaliya


Axad, May, 28, 2017 (HOL)- Ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xassan Cali Khayre ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay beesha caalamka oo ujeedadiisu ahaa in uu warbixin ka siiyo xaaladda dalka, isla markaana uu ka codsaday in labada dhinacba ay la yimaadaan isla xisaabtan dhab ah oo dhameystiran.

Kulanka waxaa goobjoog ahaa Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM, Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika, Safiirada Midowga Yurub, UAE, Turkey, Sweden, China, waxaana qadka shaashada ku jirey wakiilo ka socday Mareykanka iyo UK. Ra’iisul Wasaaraha waxaa ku wehliyey kulanka Wasiirada Maaliyada, Qorsheynta, Difaaca, Warfaafinta iyo Wasiiru Dowlaha Xafiiska RW.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa ugu horreyn warbixin ka siiyay horumarka ay dawlada ku talaabsatay mudadii ay jirtey ee dhanka gurmadka Abaaraha, amniga, Dhaqaalaha, La dagaalanka musuqmaasuqa iyo qorsheyaasha guud ee xukuumada.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in dowlada federaalka ay bilowday nidaam isla xisaabtan ah oo dhan walba ah kana codsaday beesha caalamka in ay iyagana la yimaadaan isla xisaabtan furfuran oo shacabka Soomaaliyeed kalsooni siin kara.

Mas’uuliyiintii beesha caalamka ayaa ugu mahadceliyey ra’iisal wasaaraha qabanqaabada kulanka iyo warbixinta saafiga ah ee uu ka siiyey xaalada dalku marayo.

Waxey dhammaantood qireen in horumar baaxad leh oo waxqabad dhab ah lala yimid, iyagana ay diyaar u yihiin in ay caawiyaan dawladda federaalka.

Ra’iisul wasaaraha ayaa u sheegay beesha caalamka in dowladda federaalkaa ee cusub ay la timid dhaqan-cusub oo isla xisaabtan ah, sidaas oo kalena uu ka dalbaday beesha caalamka in ay dhaqankooda bedelaan oo kaalmadooda ay ku saleeyaan baahiyaha dawlada iyo inay mashaariicda horumarineed ay dalka ka hirgeliyaan sida dhismaha Wadooyinka, Buundooyinka iyo mashaariicda horumarineed oo shaqo abuur u noqoneysa dhalinyarada Soomaaliyeed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]