4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 29, 2017
Madaxweyne Soomaaliya iyo wafdi uu horkacayo oo wajahan magaalada Cadaado

 

Isniin, May, 29, 2017 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo saacadaha soo socda ku wajahan magaalada Cadaado ee xarunta KMG u maamul gobolleedka Galmudug, isaga oo ka qeybgali doona munaasabada calleemo saarka madaxweynaha dhawaan la doortay Axmed Ducaalle Geelle Xaaf.

Wafdi horu-dhac u ahaa Madaxweyne Farmaajo oo uu hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa shalay gaaray Cadaado, iyadoo sidoo kalena diyaarad siday ciidamo gaar ah oo sugi doona ammaanka Madaxweynaha ay shalay gelinkii dambe ka degtay Cadaado.

Madaxweynaha maamul gobolleedka Puntland Cabdiwli Gaas ayaa sidoo kale qorshuhu yahay in uu ka mid noqdo wafuud ka qeybgali doonta munaasabada calleemo saarka madaxweynaha Galmudug.

Ka qeybgalka madaxweyne Gaas ee munaasabada calleemo saarka madaxweynaha Galmudug ayaa fure u noqon karta xiriir wanaagsan oo dhaxmara labada dhinac, madaama marar badan o o hore labada maamul ku dagaallameen magaalada Gaalkacyo oo u kala qeybsan labada dhinac.

Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa la doortay horaantii bishan, kaddib markii uu xilkaa iska casilay madaxweynihii hore Cabdikariin Xusseen Guulleed oo mucaaradad weyn kala kulmay xildhibaannada baarlamaanka maamulka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]