4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 29, 2017
Al-shabaab oo xukun dhagax ku dil ah ku fulisay nin ku eedeysnaa in uu kufsi geystay

 

Isniin, May, 29, 2017 (HOL) – Xarrakada Al-shabaab oo maamusha qeybo ka mid ah gobollada Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa xukun dhagax ku dil ah ku fulisay nin ku eedeysnaa in uu kufsi geystay deegaan lagu magacaabo Ufuroow oo ka tirsan gobolka Baay.

Maxkamad ururka Al-shabaab leeyihiin ayaa ku xukuntay Dhaayow Maxamed in dhagax lagu dilay kaddib markii lagu helay danbi ah in uu kufsi geystay.

Boqolaal dad ah ayaa isugu soo baxay fagaare ku yaal deegaanka Raama Caddey oo ka tirsan degmada Ufuroow, waxaana qeybaha hoose ee jirka Ninkan lagu aasay dhulka, iyadoo qeybaha sare  ee jirkiisa dhagxaan la soo diyaariyay rag ka tirsan xarrrakada midba mar uu ku dhufanayay.

Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay maamulka Koofurgalbeed Soomaaliya ee la xiriira xukunka rajmiska ah ee maanta laga fuliyay deegaanka Raama Cadey

Ma’aha markii ugu horeysay oo Al-shabaab ay fuliyaan xukunno noocan oo kale ah, waxaa ay horay siddan oo kale deegaanno kala duwan oo dalka mid ah uga fuliyeen xukun dhagax ku dil ah, gaar ahaan deegaanka Buq Aqable oo ka tirsan gobolka Hiiraan oo xukun noocan oo kale ah lagu fuliyay nin ku eedeysnaa in uu kufsi geystay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]